Daawo Sawirada :- Amiir Maxamed Bin Salmaan oo lagu bah-dilay shirkii G-20

Dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa lagu bah-dilay laguna takooray shirkii dhaqaalaha ee G-20, kaddib markii la’iska fogeeyey xiligii la galayey sawirka guud ee golaha.

Maxamed Bin Salmaan ayaa la istiaajiyey geeska ugu fog safka sawirka, waxa uuna u muuqda mid la inkirayey.

Ka soo muuqashadii shirka ee Maxamed Bin Salman waxa ay dhalisay muran tan iyo dilkii qunsuliyada Sucuudiga ee Istanbul bishii Oktoobar loogu gaystay wariye Khaashuqji, la-yaabna ma ahayn sidii loola dhaqmay.

Markii sawirku dhamaaday, dhaxal sugaha oo ah hoggaamiyaha talada ka go’do ee Sucuudiga waxa uu durbadiiba ka dagay masraxa isaga oo aan qofna gacan qaadin, xilli ay ka muuqatay yaxyax.