Dagaal Ka Socoda Magaalada Baydhabo iyo Warar Kasoo Baxaya Xadhiga Wadaadkii Sh Mukhatar Roobow.

Mudisho(GNN):-Dagaal ayaa lagu soo warramayaa inuu ka socdo magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay halkaasi oo maanta lagu xiray Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur.

Dagaalka ayaa billowday saacado kadib markii ciidamo ka tirsan dowladda oo garab ka helaya ciidamada Itoobiya ay xireen Roobow.
Dhanka kale is-gaarsiinta magaalada ayaa hawada laga saaray, waxaana mararka qaar la maqlayaa is rasaaseyn dhax mareysa ciidamo taabacsan wadaadka Mukhtaar iyo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo dhinac ah.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in wadaadka hada lagu hayo garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo, loona soo wado magaalada Muqdisho.
Laba ka mid ah xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa Warbaahinta u xaqiijiyey in Roobow ay xireen ciidamada Ethiopia ee halkaas ku sugan.

Ilaa hadda lama yaqaan halka uu ku sugan yahay Roobow iyo sababta loo xiray, hase yeeshee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horey diidmo uga muujisay musharaxnimada Roobow.

Xaaladda magaalada Baydhaba ayaa lagu soo warramayaa inay kacsan tahay, oo ay ka dhaceyso rasaas, ayada oo isgaarsiinatana ay go’an tahay.