Daraasad Cusub: Jimicsi La’aanta Iyo Fadhiga Badan Oo Noqday Dilaha Qarsoon

Khubarada dhinaca caafimaadka ayaa walaac ka muujisay in wax aad u yar laga qabtay sidii loo yarayn lahaa saameynta ka dhalata dhaqdhaqaaq la’aanta ama jimicsiga ku yar dadka ku nool caalamka. War bixin ay soo saartay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa lagu qiyaasay in afar meelood hal meel oo ka mid ah dadka dunida – oo ah tiro dhan 1.4 bilyan oo ruux aanan  samaynin jimicsi ku filan, tiradan ayaana sare u sii kacaysay tan iyo sannadkii 2001-dii.

Qiyaastan ayaa ka dhigan in guud ahaan dadka caalamka afartii qofba mid ka mid ah uu ku jiro halis dhimasho. Dhaqdhaqaaq la’aanta ayaa sababta in dadka ay soo wajahaan xaalado caafimaad darro sida iney qofka ku dhacaan cudurrada wadnaha, nooca labaad ee cudurka macaanka ama sokorowga iyo noocyo ka mid ah cudurka Kansarka.

Dalalka uu soo galo dhaqaalaha badan oo uu ka mid yahay Ingiriiska ayey dadkoodu yihiin kuwa ugu badan ee aan dhaqdhaqaaqa samaynin. Sidoo kale haweenka caalamka oo idil ayaa loo aqoonsaday iney yihiin kuwo ka jimicsi yar ragga. Cilmi baadhayaasha hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa macluumaadkan ku saleeyay xog laga ururiyay illaa 168 waddan oo dadkoodu ay si shakhsi ahaan ah uga warramayeen xaaladahooda. Khubarada ayaa ogaaday in waddamada dhaqaalahoodu sarreeyo, sida ingiriiska iyo Maraykanka, ay shacabkoodu khatarta ugu badan ugu jiraan saameynta ba’an ee ka dhalata dhaqdhaqaaq la’aanta. Waddamada kale ee safka hore kaga jira liiska jimicsi la’aanta waxaa ka mid ah Jarmalka iyo New Zealand.

Hay’adda Caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in jimicsi la’aantu ay hadda noqotay dilaaga cusub ee bani’aadanka, maadaama ay dad fara badan ka dhaxleen cudurro aan la daaweyn Karin. Waxa ay sidoo kale saameyn ballaadhan ku yeelatay wakhtiga uu qofku noolaan karo, waxaana la sheegayaa in ay keeneyso cimri deg deg aad u u heer sarreeya. Haweenka ayaa si guud uga dhaqdhaqaaq yar ragga marka la eego dhammaan dalalka laga sameeyay daraasaddan. Hase ahaatee dalalka ku yaalla Bariga iyo Koonfurta-bari ee qaaradda Aasiya ayaa si weyn uga duwan, dhanka dhaqdhaqaaqana kaga fiican waddamada kale ee ku yaalla Koonfurta Aasiya, Bartamaha Aasiya, Bariga dhexe iyo Waqooyiga Africa.

GABILEY.NET