Deg Deg :- Akhriso Qodobadii Laga Soo Saarey Shirkii Nabadeyta Beelahii Ku Dagaalmay Koonfurta Gobalka Sool Ee Jig Jiga Gogoshiisu Taalay .

Jig Jiga (GNN):-  Iyadoo 20 kii Maalmood ee ugu danbeeyey magaalada Jig Jiga ay dawlad deegaanka Soomaalida ay ka waday heshiisiinta iyo soo afjarida shaqaaqo beeleed u dhaxeeyey laba beelood oo colaadoodu daba dheeraatay khasaare badanna ay ka dhaliyey ayaa waxa la soo gebo gebeeyey shirkaasi , Shirkan oo ay dawlad deegaanku u xilsaartay gudi ka kooban 25 qof iyo min 21 ergey oo labada reer ee (Bahrarasame & Cabdi Garaad ) Waxaana laga soo saarey qodobadan :

1: In la bixiyo dhamaan wixii mag ah ee labadan beelood ay isu gaysteen oo ah 170 qof , lagana dulqaado culayska magtan . Waxaaana bixinaya Beel waynta Daarood .

2: Mudada lagu bixinayo magtanina waa 12 bilood ama sanad , qofkii Waxaa la xisaabinayaa 50 halaad.

3: Dhaawac labada beelood waxaa loo xilsaarey in ay soo xaqqaan Gudiga Culimada gobolka Sool ,waxaana bixinaya labada beelood dhexdeeda mudada ay howshaa ku soo dhamaynayaana waa 6 bilood gudeheed.

4: Wixii khasaare guryo la gubey iwm waxaa loo dirayaa guddi howshaa soo qiimeeya .

5Beel Waynta Bahrarsame Waxaa lagu ganaaxey in ay bixiso 200 oo Halaad iyo 48,000 $ oo duug ah mudada ay ku bixinayso 200 ee halaad waa 6 ilood lacagta duugta ahna waa 20 maalmood .

6: Beelwaynta Cabdi Garaadna (Qayaad ) Waxaa lagu ganaaxey inay bixiso 50 halaad oo geel ah , mudada ay ku bixinaysona waa 6 bilood , iyo 21,000 $ oo duug ah , iyana ay ku bixin doonto mudo 20 maalmood .

6: In Beeshii danbe ee jabisa heshiiska ama weerar qaada lagu ganaaxo 100,000 $ (Boqol kun oo dollar ) .

7: In la sameeyo socdaalo wacyi gelin nabadeed oo la dhex maro dhamaan deegaanadii ay wax ka dheceen kuwa kaleba .

GABILEY.NET