Dhaawaca Jabhadda Yemen Oo La Daad Gurayn Doono + [ Halka La Geynaayo ]

Diyaarad ay leedahay Qaramada Midoobay ayaa daad gurayn doonta dagaalame yaal ka dhaawacmay jabhadda Xuutiyiinta, sida ay sheegeen xulafada la dagaalamaysa jabhadda.

Arrintan ayaa looga golleeyahay in lagu dhiso kalsoonida ka hor wadahadallada ay labada dhinac yeelanayaan.

Konton jabhad oo dhaawac ah ayaa lagu wadaa in laga qaado magaalada caasimadda ah ee Sanca taas oo ay gacanta ku hayaan Jabhaduhu, iyaga oo galinka dambe ee maanta la gayn doono Caman.

Wadahadallada ay Qaramada Midoobay taageerayso ee u dhaxeeya jabhadda iyo dawladda uu Sacuudigu taageerayo ayaa lagu wadaa in uu dhaco maalmaha foodda inagu soo haya.

Dagaalkan ayaa horseeday mashaakilkii banii’aadminimo ee ugu xumaa adduunka ee dhaca taariikhda dhaw.

Dagaalka afarta sano ku dhawaadka ka socda Yemen ayay ku dhinteen kumannaan dad ah, malaayiin dad ahna waxay qarka u saaran yihiin macaluul.

“Diyaaradda Qaramada Midoobay ayaa Isniinta ka dagi doonta garoonka caalamiga ah ee Sanca. Saddex dhakhtar oo Yemen u dhashay iyo dhakhtar Qaramada Midoobay ka socda ayaa dhaawacyada ka qaadi doona Sanca waxayna gayn doonaan Masqad.” Sida uu sheegay qof habeennimadii u hadlay xulafada.

Wuxuu sheegay in tallaabadan uu codasaday Martin Griffiths oo ah ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Yemen, arrintaasna la isku agfartay si kalsooni loogu helo shirka Sweden ka dhacaya.

GABILEY.NET