Erdogan Oo Codsaday Arin Ku Saabsan Dadkii Dilay Jamaal Khaashuqji

London (GNN):- Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa ka codsaday dowladda Sucuudi Carabiya inay usoo gacan geliso dadka ku sugan dalkaasi ee looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen dilka weriye Jamaal Khaashugji.

Recep oo ka hadlayay shirka dalalka ku horumaray dhaqaalaha ee ka socday Argentina ayaa sheegay in arrinta Khaashuqji aanan loogu talagelin in shirka looga hadlo balse ra’iisul wasaaraha Canada, Justin Trudeau oo kaliya ah ayaa kulanka kusoo hadal qaaday dhacdada ku aadan Khaashuqji.

Dowladda Sucuudiga ayaa 11 qof u xirtay dilka balse ma jiraan go’aan ay dadkan ugu dhiibeyso Turkiga.

GABILEY.NET