Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ee Maraykanka Oo Kulan La Qaatay Madaxwaynaha Dalka Jabuuti + [ Arimo Ay Ka Wada Hadleen ]

Jabuuti (GNN):- Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka u qaabilsan Afrika Tibor P. Nagy oo ku jira safar uu ku marayo Wadamo dhaca Qaaradda Afrika ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulanka ayaa ahaa mid aan Saxaafadda ka qayb galay, waxaana mas’uuliyiin labada dhinac katirsan laga soo xigtay in ay kaga wada hadleen qodobo ay kamid yihiin.

Isbadalka Geeska Afrika, gaar ahaan isbaheysiga ay ku jiraan Dowladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eretareeya, Ciidamada Jabuuti ka joogo Soomaaliya, Colaadda Jabuuti kala dhaxeysa Eretareeya iyo Arrimaha Gobolka.

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Jabuuti oo u warramay Warbaahinta waxaa laga soo xigatay in kulanka uu ku dhamaaday sida loo qorsheeyay, waxyaabihii la isku soo hadal qaadayne ay isla meel dhigeen Madaxweyne Geelle iyo Ambassador Tibor.

Mareykanka ayaa il gaar ah ku hayo isbadalka Geeska Afrika ka soconaya ee uu hormuudka u yahay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiye Ahmed.

Jabuuti Ciidamo ka socda kuna howlgala Magaca AMISOM ayaa ku sugan Bartamaha Soomaaliya, waxaana wararka ay sheegayaan in ballanqaadyo lagu hormarinayo Ciidankaas ay ka heleyso Mareykanka.

Jabuuti, Sudan, Kenya iyo Uganda ayaa doonaya in ay ku biiraan is gaashaanbuursiga ay bilaabeen Dowladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eretareeya.

GABILEY.NET