Maamulka Madaxwayne farmaajo Oo ka Shiray Hirgalinta Qorshe Warbaahinta Gudaha Somaliland Loogu Adeegsado faafinta Warar Qarannimada Ku lid ah Iyo Magacyada Shaqsiyaad Arimahan Fuliya.

Hargeisa(GNN):-Tan Iyo Mudadii Asxaabta somaliland ku jireen tartankii Doorashada Madaxtooyada Ee Dabayaaqada sanadkii 2017 Waxaa Marba marka ka danbaysa isa soo tarayay Arin ku cusub faafinteedu Gudaha somaliland kuwaasi oo Bartimaameed u ah sidii shacabka reer somaliland loogu kala fogayn lahaa warar ay baahiyaan qaar kamida warbaahinta ka hawl gasha gudaha somaliland oo dhamaan dibada laga soo maleegay, iyadoo dadka qaar looga dhigayo kuwa ka hadlaya ujeedooyinkooda Iyo Kala duwanaanshaha bulshada.

Hadaba dhacdooyinka ku saabsan faafinta warar lidku qarannimada somaliland ayaa waxaa ay wax iska caadiya ka noqdaan dalka  kuwaasi oo marar badan khatar galiyay amniga Somaliland iyo wadajirka shacabka.

Hadaba Xogaha laga helayo Maamulka Madaxwayaha somaliya farmaajo iyo raysal wasaare khayre ayaa maalmihii lasoo dhaafay la sheegay in ay shir ku qabteen madaxtooyada kaasi oo ay kaga wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa adeegsiga  saxafaada Somaliland oo dhaqaale badan ay ku bixiyeen,

Qorshahan laga soo maleegay maamulka muqdisho ayaa xoguhu waxay intaa ku dareen in   fulintiisa ay u xilsaaran yihiin raysalwasaare kuxigeenka somaliya iyo Gudoomiyaha Maxkamda Sare oo iyagu hayb ahaan kasoo jeeda deegaanada somaliland .

Dhanka  kale oo xogahani  ayaa daboolka ka qaaday in shakhsiyaadkani ay faafinta wararka ku lidka somaliland ay u adeegsadaan qaarkamida shabakada onlineka ah iyo Tvyada qaar

Sidoo kale qorshaha laga soo maleegayo villa somaliya ayaa Mudooyinkii udanbeeyay ku hawlaan faafinta warar aan sal iyo raadtoona  lahayn oo lagu kala fogaynayo somaliland iyo Wadamada ay dariska yihiin ee xidhiidhka wanaagsani ka dhexeeyo oo ay dawlada itoobiya kow ka tahay.

Waxayna warbaahinta dhaqaalaha Villa Somalia lagaga soo siiyaa maalmihii udanbeeyay faafinayaan warar ku jahaysan safaarada itoobiya ku leedahay Somaliland oo xaqiiqda ka fog.

Qorshayaasha xaqiiqada ka fog ee warbaahinta Somaliland loo adeegsaday kuma koobna uun inta ee waxaa hore u fuliyeen 

1; Buun buuninta dagaalkii dhexmaray beelaha walaalaha ee deegaanka ceel afwayn

2; Dagaalkii tukaraq ee somaliland iy maamul goboleedka somaliya ee puthland

3; Wararka jabhada col Caare oo Iyagu  Tvyada qaar kamida kuwa somaliland ka hawlgalaan ka dhigteen mid ay ka dhigaan in shacabka somaliland ku kala fogaadeen doorashadii, iyo buun buuninta waxkasta oo lidku ah somaliland kana farxinaya cadow kasoo horjeeda jiritaanka jamhuuriyada somalland.

Dagaalada iyo qorshayaasha ay xubahani ka hirgaliyeen gudaha dalka kuma koobna intan balse waxa kale oo iyana jirta talaabooyin ay ku guul daraysteen oo ay ku doonayeen In ay ku car qaladeeyaan socdaalkii madaxwaynaha somaliland ee gobolada barri oo iyagu fashilmay.

Shakhsiyaadka kusoo gabanaya shaadhka qabiilka ayaa wali ku hawlan arimo kale oo ku lid ah bulshada reer Somaliland.

 

Sirta Xogahan Oo Uu Nooga Waramay Shaqsi Xog’ogaal U ah Hawlaha Ka Dhex socoda Xarunta Villa Somalia Islamarkaana Kamida Masuuliyiinta u shaqo tagay Somalia Balse isagu Dhalasha ahaan kasoo jeeda Somaliland oo ka Cudur Daartay Inaanu Xusno Magaciisa Xaalado Ammni Awgeed ayaa Intaa Ku Daray In Qorshaha Ugu Weyn Ee maamulka Madaxweyne Farmaajo Wakhtigan Ajandaha ka Dhigtay uu yahay Sidii Fadqalalo Looga Dhex Abuurilahaa Ammniga iyo Xasiloonida Bulshada Somaliland Oo Lafdhuun gashay ku Noqotay Maamulkiisa iyo Dhaqaalihii ay Hay’ado Badan iyo Dalal Shisheeye Ku Bixin Jireen Amniga Muqdisho oo Noqotay ka Dar oo Dibi Dhal.

 

Shacabka somaliland ayaa iyagu Mudooyinkii u danbaysay si dhow ula socday arimaha iyadoo Masuulkani Noo balan Qaaday Inuu Nala Wadaagi Doono Hay’adaha Warbaahineed ee Mashruucaasi Soo Qaata iyo Waxa Ay Ku heshiiyaan, dhawaana aynu soo bandhigi doono magacyada tvyada iyo shabakadaha hawlahan fuliya iyo sidoo kale xadiga dhaqaalaha lagu bixiyo.

Hargeisa Somaliland

Gabiley News Network.