Ninkii Qoorta Ka Goyn Jiray Dadka Ay Afduubtaan Kooxda Daacish Oo La Dilay

Suuriya (GNN):- Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn lagu dilay Abu al-Umarayn, oo ka tirsan kooxda IS islamarkana sida la sheegay dilay dhowr qof oo u dhashay dalalka reer galbeedka ee u shaqaynayay hay’adaha gargaarka.

Ninkani ayaa sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka waxaa lagu dilay duqayn laga fuliyay gudaha dalka Suuriya.

Ciidamada isbahaysiga ayaa waxay fuliyeen “weerar la xaqiijiyay ” axaddii kaasi oo lala bartilmaameedsaday hogaamiyayaasha IS ee uu ka midka yahay Umarayn ee ku sugan koonfur bari Suuriya axaddii,waxaa sidaasi sheegay militariga Mareykanka.

Ninkan ayaa la rumaysan yahay in uu masuul ka ahaa dilkii Cabdul-Raxman Kassig oo ahaa nin Mareykanka u dhashay oo hay’ad gargaar u shaqaynayay islamarkana qoorta laga gooyay November 2014.

Cabdul-Raxman Kassig ayaa asaasay hay’ad gargaar si uu u caawiyo dadka reer Suuriya.

Waaxda gaashaandhiga Mareykanka ayaa sheegtay in Umarayn “uu halis ku ahaa xoogaga isbahaysiga”.

Waxaa sidoo kale bayaanka lagu sheegay “in uu ku lug lahaa dilka muwaadiniin Mareykan ah.

Kooxda la baxday dowladda islamka ayaa waxaa gacantooda ka baxay ku dhawaad dhammaan dhulka ay horey u maamuli jireen ee Ciraaq iyo Suuriya.

Dad gaaraya 10 milyan ayaa ku nool goobaha ay IS horey gacanta ugu hayn jireen.

Balse militariga Mareykanka ayaa waxay sheegeen in 98% goobihii ay haysteen kooxda IS laga saaray.

GABILEY.NET