Prof Ahmed I.Samatar Oo Qiimayn Ku Sameeyay Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Iyo …….

Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa si cad u sheegay in lagu hungoobay waxyaabihii laga filayey madaxweyne Muuse Biixi iyo siyaasadii xisbiga Kulmiye ee uu shacabka u soo bandhigay.

Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo soo saaray qoraal dheer oo uu kaga hadlayo xaalada dalka ayaa sidoo kale dhaliilo adag u jeediyey xisbiyada mucaaridka ah ee Ucid Iyo Waddani, kuwaas oo uu sheegay inaanay ilaa maanta hayn siyaasad jihaysan oo ay taageerada shacabka ku hantaan.

Ugu horayn Proff Axmed Ismaaciil Samatar ayaa ka hadlay doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday “Arin kale oo taariikhiya ayaa ka

dhacday jamhuuriyada somaliland doorashadii madaxtooyada ayaana si guul ah uga dhacday bishii November 2017, taas oo ay ku tartameen sadexda xisbi ee sharcigu ogol yahay ee kala ah Ucid, Waddani iyo xisbiga talada haya ee Kulmiye, doorashadaas oo ay soo gashay waxoogaa qabyaalad ah oo ka imanayey xisbiyada Waddani Iyo Kulmiye”

 

Proff Axmed Ismaaciil Samatar ayaa fashil ku tilmaamay barnaamijkii siyaasadeed ee xisbiga Kulmiye u soo bandhigay bulshada, isaga oo si gaar ah farta ugu fiiqay inaan ilaa hada waxba laga qaban adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada.

Proff Axmed Ismaaciil Samatar ayaa sidoo kale soo bandhigay sababaha fashilka ugu wacan barnaamij siyaasadeedkii xisbiga Kulmiye iyo qodobada uu u arko inay keeneen waxaanu yidhi

  1. Golaha Wasiirrada ee madaxweyne Biixi waxay burinayaan balanqaadyadii uu ololaha ku galay ee ahaa inuu magacaaboRag iyo Dumar karti iyo awood leh. Waxa kaloo uu ka tallaabsaday halbeeggii ahaa inaanay Golaha Wasiirradu ka badan 20 Wasiir. Waxaanu madaxweyne Biixi markiiba dib ugu noqday habkii qadiimiga ahaa ee lagu hungoobay, waxaanu magacaabay (32 Wasiir iyo Ku-xigeeno), taasi oo isu dheelitir La’aani ka muuqato, una sadburinaysa reer kaliya oo 22 xubnood qaatay.
  2. Biixi wuxuusi wax ku ool ahu yareeyey habkii fadeexada ahaa ee masuuliyiinta sarsareuisticmaali jireenkharashaadka dowladda, balse waxba lagama qaban Koboc la’aanta dhaqaalaha, qaaliga maceeshada, qiimo dhaca lacagta dalka iyo shaqo la’aantii xunee haysta dhallinyarada.
  3. Maamulka Madaxweyne Biixi wuxuu soo wadayqorshe xumadii, shaqaale xumadii, taasina waxay wiiqaysaa xidhiidhka Somaliland la leedahay caalamka 27kii sannadood ee ay dib uga soo noqotay madax-bannaanideedaSoomaaliya.
  4. Ma jiro wax caddaynaya in Wasaaradaha Waxbarashada iyo Caafimaadka midna ay dabaqeen isbeddelkii loo baahnaa.

Proff Axmed Ismaaciil Samatar waxa kale oo uu sheegay inaan la aqbali Karin in doorashooyinka golaha wakiilada iyo goleyaasha deegaanada ee dalku ay mar kale dib u dhacaan iyaga oo qorshaysnaa in la qabto sanadkan 2019.

Sidoo kale Proff Axmed Ismaaciil Samatar waxa kale oo uu si adag u dhaliilay xisbiyada mucaaridka ah oo uu ku eedeeyey inay ka gaabiyeen doorkii ay lahaayeen, isaga oo si gaar ah u xusay in xisbiga Waddani oo doorashadii madaxtooyada helay in ka badan 40% uu mudo sanad ku dhaw ka soo waaqsan la yahay guul daradii ka soo gaadhay doorashadii, isaga oo xusay inaanu xisbiga Waddani ilaa hada muujin wax calaamada oo tilmaamaysa inuu yahay hay’ad siyaasadeed qaran oo awood leh.

Sidoo kale Proff Axmed Ismaaciil Samatar ayaa sheegay in isbadalada ka socoanaya geeska Afrika ee uu hormoodka u yahay raysal wasaaraha Itoobiya ay go’doon galiyeen somaliland iyada oo xukuumada madaxweyne Muuse Biixina aanay la iman wax qorshe ah.