Safiirka Somaliland ee Yemen iyo ku-Xigeenkiisa oo ka Qayb Galay 47 Guurada Maalinta Qaranimada Dawladda Imaaraadka Carabta.

Hargeisa(GNN):-Xaflad balaadhan oo lagu xusaayay sanad guurada 47-aad ee ka soo wareegtay maalinta qaranimada dawladda Imaaraadka Carabta ayaa lagu qabtay hool wayn oo ku yaala magaalada Cadan. Xafladdan oo ay soo qabanqaabisay safaaradda dawladda Imaaraadka ee Yemen ayaa waxaa lagu soo casuumay Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Yemen , Safiir Cali Maxamed Axmed iyo ku-xigeenka Md. Idiris Adan Raage, waxaana sida oo kale lagu soo casuumay safaarado badan oo ay madasha goob joog ku ahaayeen safiir tiro badan. Waxaa iyaguna ka soo qayb galay munaasabadan wasiiro ka tirsan Xukuumadda Yemen , taliyaha Ciidamada isbahaysiga Carabta iyo taliye ku-xigeenkiisa . Saxaafadda Caalamka kuwa ugu caansan ayaa iyaguna madasha goobjoog ku ahaa sida Aljazeera, Alcarabiya , Sky news iyo kuwo kale. Gabagabadii Safiirka Somaliland ee Yemen Md. Cali Maxamed Axmed iyo ku-xigeenka Md. Idiris Adan Raage oo la kulmay Safiirka Imaaraadka ee Yemen Mudane Saalim Khaliifa ayaa hambalyo iyo bogaadin ay ka sideen Xukuumadda Somaliland iyo Wasiirka Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga caalamiga ah prof. Yaasiin Maxamuud Xiir la wadaagay safiirka, waxaanay u rajeeyeen shacabka iyo xukuumadda Imaaraadka horumar iyo barwaaqo joogta ah. Waxaa xusid mudan in xidhiidhka Somaliland iyo Imaaradku uu yahay mid cago adag ku taagan , mashaariic horumarineedna ay Imaaraadku ka wadaan Somaliland sida horumarinta iyo balaadhinta dakadda Berbera iyo Saldhiga military. Xafiiska Wakiilka Somaliland ee Yemen. Cadan – Yemen.