Waftigii Ka Socoday Somaliland Ee Socdaalka Ku Jooga Dalka Boqortooyada Ingiriiska Oo Guulo Wax Ku Ool Ah Qaranka U Soo Hooyey.

Hargeisa(GNN):-Warsaxafadeed-Weftigii ka socday Jamhuuriyadda Somaaliland ee socdaalkaa ku joogay waddanka Boqortooyada Ingiiriiska ayaa guulo Midho-dhal ah ka gaadhay booqashadii ay halkaa ugu maqnaayeen Ujeedkiisu Ahaa Horumarinta Arrimaha Siyaasadeed Ee Qaranka Somaliland iyo Hawlo Shaqo.
Weftigan oo uu hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka Md Maxamamed Xaaji Aadan Cilmi,isla markaana ay xubno ka ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Caddaalada Md Cabdiqani Maxamuud Caateeye,Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Md Xasan Axmed Aadan iyo Lataliyaha Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka Md Cabdikariim Cabdi Aadan.
Weftigan oo ka mid noqday wufuudii ugu miisanka cuslaa ee Waddanka Ingriiska booqda mudaddii uu xilka hayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomalilaan Md Muuse Biixi Cabdi.
Weftiga oo dalka ka anbabaxay taariikhdu markay ahayd 12/11/2018 isla markaana gaadhay Cariga Ingriiska 13/11/2018. Weftiga waxay isla markiiba guda galeen ajeendihii socdaalkooda iyagoo kulankii ugu horeeyay la qaatay maayarka magaaladda Cardiff ee Caasimada Gobolka Wales halkaas oo loogu sameeyay soo dhoweyn diiran.
Waxa kale oo weftigu kulan la yeesheen Wasiirka Kowaad ee Gobolka Walis Mudne Carwyn Jones waxana weftigu ugu warameen Dalka Somaliland iyo guulaha uu gaadhay tan iyo markii uu dib ula soo noqday madax-banaanidiisa18 May 1991kii,sidoo kalena waxa weftigu u sharaxeen waxayaabaha ay u baahan tahay in Somaliland laga caawiyo waqti xaadirkan.
Kulankan waxa qayb ka ahaa xubno badan oo ka kala socday jaaliyadaha adduunka ee ku dhaqan caasimada Gobolka Wales oo madasha lagu marti qaaday.
[Somaaliland waxay xidhiidh soo jireen la leedahay Gobolka Wales, Afrika wax ka jira waqtigan isbeddel wanaagsan,waxanu rajeynaynaa in isbedeladaa socda aanu kaalin wanaagsan ka qaadano isla markaana aad wax noola qabataan si ka wanaagsan sidii hore]ayuu yidhi Wasiirka Xidhiidhka Goloyaasha md Maxamed Xaaji Aadan oo madasha khudbad ka jeediyey.


Waxa kale oo weftigu la kulmay Xafiiska Wasiirka Kowaad ee caawimooyinka,gaar ahaan madaxa qaabilsan Afrika.
Weftigu intii ay ku sugnaayeen Gobolka Wales waxay booqdeen xarumo ay ka mid yihiin,Xarunta Dabdamiska iyo Xabsiga Weyn ,Iyadoo mar kalena lagu casumay Jaamacadda farsamada gacanta iyo tacliinta sare .
Weftiga waxay sidoo kale kulan la qaateen Baarlamanka Gobolka Wales,waxayna sharaxaad ka siiyeen xaalada guud ee waddanka Somaliland , sidoo kalena waxay ka codsadeen in labada gudi Baarlamaan ee Somaaliland iyo Wales ay yeeshaan xidhiidho lagu xoojiyo wada shaqaynta labada dhinac.
Kulankan ayaa waxa si gaara weftiga Somaliland u soo dhoweysay marwada kowaad ee Raysal-wasaarihii hore ee Wales murwo Juli Morgan oo xiligan ah xildhibaanad.ka tirsan barlamanka Wales
Weftigu intii ay ku sugnaayeen Gobolka Wales waxa kale oo ay shir la qaateen xildhibaanadii ka soo jeeda Cardiff ee ka qayb qaatay aqoonsigii ay u fidiyeen Jamhuuriyadda Soomaliland.


Jaaliyada Reer Somaliland ee ku dhaqan guud ahaan waddanka ingriiska ayaa weftigu waxay la qaateen kulano kala duwan mudadii ay joogeen,waxaana ugu danbeeyay kulankii magaalada London,waxana weftigu halkaa kaga war bixiyeen horuumarka iyo waxyaabaha kale ee dhulkii ka jira,iyadoo weftigu kula dardaarmeen jaaliyadda halkaa joogta inay ku dedaalaan wadajirka iyo midnimadooda taas oo ay wax badan ugu qaban karaan ummadoodda ku dhaqan dalka gudihiisa.
Ugu danbayntii weftiga ayaa maalintii shalay waxay kulan balaadhan la yeesheen gudida arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah ee labada aqal Baarlaman ee Ingriiska, ka dib markii ay ka heleen martiqaad rasmi ah,waxana Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka xubnahan u gudbiyey waraaqo ay ka sideen gudoomiyaasha labada Gole Baarlamaan ee Soomaalilaan Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Baasha Maxamed Faarax.
Shirka ayaa ku soo dhaamaday jawi is af-garad buuxa,iyadoo midhihii ka dhashayna kulankaana casuumad rasmi ah loo fidiyey gudiyada arrimaha dibeda ee Baarlamanka Somalilaan kuwaas oo dhowaan booqan doona cariga Ingiriiska.
Kulankan ayaa wefitiga Somaalilaan waxa kala qaybgalay Drs. Edna Aadan Ismaaciil Ergeyga gaarka ah ee Soomalilaan u qaabilsan wadahadalada Soomaliya,Ayaan Maxamed Maxamuud Safiirka Soomalilaan ee Boqortooyada Ingiriiska iyo Barwaaqo Sooranka.
Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka isagoo ku hadlaya magaca weftiga wuxuu mahadnaq iyo bogaadin u jeedinayaa dhamaan dadkii ka qayb galay soo dhoweyntooda iyo fududaynta hawlihii ay u tageen Waddanka Ingiriiska.
Allah Baa Mahad Leh
Maxamed Xuseen Axmed {Dhabeeye}
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha & Arrimaha Dastuurka.

Tar:1/12/2018
Warsaxafadeed
Xafiiska Agaasimaha Guud.