Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Wakhtiga Rasmiga Ah Ee Itoobiya Bilaabi Doonto Dhoofinta Shidaalka Oo La Shaaciyey

Addis Ababa (GNN):- Wasaaradda Macdinta, Shidaalka iyo Saliidda Dabiiciga ee Itoobiya ayaa sheegtay Soo saarista Shidaalka Deegaanka Soomaalida laga helay in lagu soo gabagabeeynaya saddex sano.

Agaasinka waaxda maamulka shatiyada shidaalka ee wasaaradda Qasala Tadese ayaa sheegtay iney jiraan marxalado dhowr ah oo ka horreeya oo uu shidaalka soo saaristiisu marayo inta aan la isticmaalin ka hor.

Waxayna intaa ku dartay “in la qodayo boqollaal ceel oo kale isla-markaana la fulinayo mashaariic waaweyn oo dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha ah oo fududeynayo shidaalka in muddada looga tala galay dalku uu ku soo saaro.”

Sida oo kale deegaanka Soomaalida shidaalka laga helay oo keli ah iyada oo aan lagu ekaaneyn waxaa sida oo kale baarid iyo soo saaridba laga sameeynayaa qaybaha kale ee dalka ee shidaalka laga helay.

Waxayna wasaaradda macdinta Bishi June ee Sanadkan shaaca ka qaadday in keyd shidaal oo aad u badan laga helay Deegaanka Soomaalida ee ku yaallo bariga dalka Itoobiya.

Ilaa iyo hadda waxaa shidaal laga helay shan qaybood oo dalka Itoobiya ka mid ah sida Rift Valley, Abbay, Mekelle, Metema iyo Gambella balse waxaa marki ugu horreysay shidaal laga soo saaray Deegaanka Soomaalida qaybo ka mid ah tijaabadi la sameeyeyna lagu guuleystay.

GABILEY.NET

%d bloggers like this: