Wasiirka C/laahi Abokor Oo Shuruud Kagaga Dhigay Shacabka Qaadanaya Liisanka Wadida Gadiidka Buug Khasab Ah Oo Lacag Laga Siiyo.

“Buuga Barashada Wadida Gawaadhidu Ee Wasaarada Gadiidku soo saartay Ma Buug Qaranbaa Mise Waa Mid  Wasiir Cabdilaahi Abokor Leeyahay?Halkayse Ku Dhacdaa Lacagta Dadka Lagaga Iibiyo  Buugani”?

Hargeisa(GNN):-Wasiirka Wasaarada Gadiidka iyo jidadka Cabdilaahi Abokor ayaa shacabka reer Somaliland ee adeegyada uga Baahan Wasaarada kusoo Rogay culusyo badan oo aanay qaadi Karin bulshadu kuwaasi Oo xiligan keentay Jaah wareer badan Oo Haysta Muwaadiniinta  ubaahan in ay qaataan liisanka Wadista Gaadiid oo markii horeba la Ildaraa Lacago Xad dhaaf ah oo laga qaaday.

WASIIR CABDILAAHI ABOKOR

Sidoo kale Wasiir cabdilaahi abokor ayaa soo daabacday buugaag Shuruud ku noqotay Qofka Doonaya in uu liisanka wadista Baabuurta qaato, buugan ayaa laga iibinayaa dadka liisanka doonaya, iyadoo lagu qasbay in ay buugan soo xafidaan si ay imtixaanka ugu galaan iyadoo gabi ahaanba laga baydhay habkii markii hore loo gali jiray imtixaanka Wadista baabuurta,

Qorshahan wasiir Abokor Dhul dhigay shacabka Ayaa Noqonaya Mid Duudsiyay Xuquuqda iyo Xaqa ay u Leeyihiin Bulsho Badan Oo Aan Wax Akhriyin Waxna Qorin inay Qaataan Liisamada Wadista Gaadiidka Taas Oo Inta Badan Dadka Aqoonta u leh birtu Ay yihiin kuwo u badan in aaney wax qorin ama akhriyin.

Mid kamida dadii Mudada Sugayay liisanka gaadhiga islamarkaana 11 biloodka ka hor laga qaaday lacagtii ayaa sheegay in markii uu soo doontay liisankii lagu war galiyay in wax is badaleen islamarkaana uu iibsado buuga, buug wasiirku soo kordhiyay oo qiimihiisu yahay 5$ wuxuna yidhi “Waxaa Ayaan darro ah In mudada Intaa leeg ee Aan sugayay liisanka hadana maanta laygu yidhaa buugan iibso dib ayaa imtixaan lagaaga qaadayaaye, waxaan leenahay madxawayne hoos u eeg waxa ka socda wasaarada iyo sida shacabkii loogu baadhanayo”Cabdilaahi Cumar ayaa sidaa yidhi.

Xogaha Dheeraadka ah ee Arrintan La Xidhiidha ayaa Iftiimiyey in  Wasiirku  amray in dhamaan dadkii liisanada hore loo siiyay xukuumadii hore dhamaantoodba imtixaan darawalnimada ah dib looga qaado halkaas oo dakhli badani uu Kasoo Xeroonayo Iibka iyo Daabacaada Buugan oo Shirkad uu Isagu leeyahay Wasiirku Ay Qabanayso Shaqadaasi,  iyadoo sidoo kale muwaadiniinta liisanka dalbanaya ku amray in imtixaanka indhaha iyo nooca dhiiga oo shuruuda koowaad u ahayd liisamada ku amray inay shirkadiisu ka qaado qadar lacaga oo qaaliyana laga qaado muwaadinka isaga oo xaaraantinimeeyay in dhakhtarka wayn laga soo qaato,

Warqada laga soo qaato dhakhtar wayn ayaa iyadu ka jaban tan wasiirku wasaarada ka dhex samaystay

Talaabooyinka wasiir cabdilaahi Abokor Oo Ah Kuwo Ku Cusub Shuruucdii Hore Nidaamkii Qaadashada Liisanka Wadista Baabuurka Ayaa Culeys weyn ku Noqonaya Bulsho Badan oo reer Somaliland ah kuwaas oo Doonayey inay Helaan Liisanka Islamarkaana Wakhtigii hore Laga Qaadi Jiray Qofka Dalbada Warqada Wadista Baabuurka Imtixaan Qof Lagu Tijaabiyo Aqoonta uu u Leeyahay Wadiska Gaadhiga iyo Inuu Goobo Loogu Talo galay Si Bad Qab Ah Uga Dhex Saaro Gaadhiga.

Si kastaba ha Ahaatee Shirkadan Cusub ee Adeegyadan Buuga iyo Adeegan Dhiiga Qofka Laga Qaadayo Qabanaysa Ayaan Iyadu ahayn Mid Dakhliga Ay Soosaaraysaa Aanu Cadayn Halka uu Ku Dhacayo iyo Cida Uu u gacan galo.

Inta La ogsoon yahay Wasaarada Gaadiidka iyo Jidadka Somaliland Oo Ah Mid Kamida Wasaaradaha Cusub ee Uu Soo Kordhiyey Madaxweyne Biixi Ayaa Mudooyinkii u danbeeyey uu Jiray Khilaaf soo Noqnoqday Oo u Dhexeeyey Wasiirka iyo Maareeyaha Hay’ada Wadooyinka Somaliland.

Hargeisa Somaliland
Gabiley News Network.