Wasiirkii Todobaad Oo Iska Casilay Xilka Wasiirnimo Ee Dalka UK Iyo Wasaarada Uu Iska Casilay .

London (GNN):- Wasiirkii wasaaradda cilmiga sayniska iyo Jaamacaddaha dalka UK Sam Gyimah ayaa is casilay wuxuuna sheegay in isaga oo ay wanaag ka tahay uusan taageeri karin heshiiskan ka bixitaanka Britain ee Midawga Yurub.

iscasilaada Wasiirka ayaa timid ka dib markii Theresa May ay ku dhawaaqday in ay heshay taageerada golaha wasiirrada ee heshiiska, islamarkaana baarlamaanka la horgeyn doono qorshaha ka bixitaanka Midowga Yurub ee UK.

Waa Wasiirkii Todobaad oo iscasilay Bishaan Gudaheeda ,taasoo ku dhigan in wasiiradda ay kasoo horjeedaan qorshaha ka bixitaanka UK.

Tiro wasiirro ah ayaase la fahamsan yahay in ay sheegeen hadallo ka dhan ah arrintaas.

Hogaamiyaha xisbiga shaqaalaha ee dalkaasi Mr Corbeyn ayaa May iyo maamulkeeda ku dhaliilay in ay ka gaabiyeen dardar gelinta qorshaha BREXIT oo uu sheegay in ay dadka reer Britain u sheegtay in ay ahmiyad gaar ah siin doonto qorshahaasi.

Waxaa la fahansanyahay in May aynan sidii loo baahnaa wax ugu qaban qorshaha BREXIT waxaana xusid mudan in Reisulwasaarihii kaga horeeyey xafiiska Mr Cameroon in uu xilka u baneeyey sidii loo hana qaadi lahaa ka bixitaanka Britain ay isaga baxayso dalalka midowga Yurub.

GABILEY.NET