Xildhibaan Bashiir Tukaale Oo Ku Baaqay Arin Uu Sheegay In Xukuumada Looga Baahan Yahay

Hargeysa (GNN):- Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale, oo ka mid ah Xidlhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed  ee dalka,is bedelada ka socda Wadamada Geeska Afrika iyo  dib u dhaca Doorashada.

Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlaya dib u dhaca ku yimid Doorashada yidhi ‘Wax walba waa la isku qaban karaa, waana la isku khilaafi karaa, laakiin wax walba oo la isku qabto waddo loo maro oo khilaafka lagu xaliyo ayaa jira, imika waa in khilaafka jira ee dhinaca Doorashada si midaysan loo xaliya, oo laga heshiiya, walibana waa in laga sii heshiiyaa wax walba oo khilaafkan oo kale abuuri kara mustaqbalk, waana in la sii xaliyaa qodob kasta oo aqbad ku ah qabsoomida Doorashada, inta aan la gaadhinba”.

Xildhibaan Bashiir Tukaale mar uu ka hadlaayey Siyaasada Arrimaha Dibadda  ayaa yidhi “Waxa jirtay wakhti ay Somaliland Caalamka ku lahayd saaxibo badan, oo u dooda qadiyadeeda, ha noqoto Afrika iyo Yurub, ama ha noqoto Xildhibaano Barlamaan, laakiin meesha wey ka baxeen, waxaana odhan karaa waa dayacad iyo dhayalsi dhankeena ka yimid, waxaana odhan karaa sharaftii iyo sumcadii aynu Caalamka ku lahayn, hoos u dhac baa ku yimid, ee Xukuumadda waxaa looga baahan yahay inay dib u soo celiso  sumcadii ay Somaliland Caalamka ku lahayd, iyo saaxbadii qadiyada madax banaanideena u doodi jiray, ee la dayacay, Xukuumadda waxaa looga baahan yahay inay si dhaw ula socoto is bedelada ka socda Wadamada Geeska Afrika,  waxaa kale oo  looga baahan yahay inay xooga saarto Siyaasada Arrimaha Dibadda iyo Siyaasada Arrimaha Guddahaba, Xukuumadda waxaa kale oo  looga baahan yahay inay indhaha ku hayso talaabo kastoo Dawladda Somaliya qaadayso,  oo dhan ah qaranimadeena”

Source:- Geeska