Afhayeenka Wasaaradda Hawlaha Guud Oo Ka Hadlay Warar Laga Baahiyey Xaaladda Caafimaad Ee Wasiirka Hawlaha Guud

Dhib Iyo Xanuun Laga Dayriyo Midna Mahayo, Mana Yaalo Lamana Dhigin Cisbitaaladda Hargeisa Ku Yaal, Wax Dhakhtar Loo Dhigaana Mahayaan, Kaliyaata Hargab Fudud Ayaa Haleelay, Hoygiisa Magaaladda Hargeisa Ka Degnyahay Ayuu Jooga, Nasasho Iyo Fasax Ayuu Ku Jiraa.

Maahan In La Is Barbardhigo Labadda Wasiir Ee Caafimaadka Iyo Hawlaha Guud, Wasiirka Caafimaad Isaga Xanuun Adag Oo Culus Ayaa Ku Dhuftay, Wasiirka Hawlaha Guud Isaga Hargab Yar Ayaa Haleelay Imikana Wuu Badqabaa, Masuuliyiinta Xukuumadda Ee Golaha Wasiiradda, Golaha Wakiiladda, Guurtida Cid Aan Soo Booqan Majirto, Mana Hayo Xanuun Weyn Oo Madaxweyne Usoo Booqdaa, Wuu Caafimaad Qabaa Wasiirku.

Waxaanu Ka Xunahay Ereyadda Deelqaafka Leh Ee Masuuliyiinta Xisbiga Waddani Hawadda Soo Mariyeen, Ayaan Daro Iyo Anshax Xumo Weeyi In Wax Laga Dayo Oo Xanuuna Lagu Sheego Masuuliyiinta Xukuumadda, Isla Markaan Loo Sahadiyo Xanuun Aan Hayn, Cidii Tiri Warkaas Iyadda Ayey Ku Maqantahay.

Xisbiga Waddani Waxa Uyaala Inay Buuxiyaan Kaalinta Mucaaradnimo Ee Ay Baneeyaan, Waxaana Uguba In Ay Habaaraan Isla Markaan Xanuun Iyo Dhibaato Usahadiyaan Masuuliyiinta Xukuumadda, Gudoomiyaha Anshaxa Xisbaga Waddani Ee Maanta Ereyadaasi Kasoo Yeedhaan Waa Abaal-laawe Ayaan Daran, Waanu Ka Xunahay Inuu Noqdo Dhallankii Hoyadii Ilamaha Baray.

Warbaahinta Madaxa Banaan Waxaan Ugu Baaqeynaa Inay Ka Waantawdo Wararka Been Abuurka Ee Ay Baahinayso, Waanu Ka Xunahay In Aad Siyaasadeysaan Qof Xanuunsanaya Isla Markaana Ay Ka Dayaan Iskudir Iyo Burabugaando. Maaha Madaxbanaasho Warbaahineed Cayda Iyo Qadaf Lagula Kacayo Madaxda Qaranka.

C/raxmaan C/laahi Wirdaani

Agaasimaha Isgaadhsiinta Iyo Xidhiidhka Goboladda ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.