Akhri:- Madaxwaynaha Somaliland Oo Si Deg Deg Ah U Booqday Mid Ka Mid Ah Golahiisa Wasiiradda Oo Xaalad Caafimaad La Soo Daristay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo booqday Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf oo xaalad caafimaad loo dhigay Cusbitaalka Hal-door ee Caasimada Hargeysa, ka dib markii uu ku soo booday xanuun kedis ah oo ka haleelay lugta iyo gacanta bidix.

Waxaanu Madaxweynuhu wasiirka Alle uga baryay inuu caafimaad taama siiyo, isaga iyo intii xaalad caafimaad u jiifta.