Baadari Shan Sano Diinta Kirishtanka ku Faafinayey Xamar oo laga war-helay.

Muqdisho(GNN):-Wargeyska wordandway.org ayaa shaaca ka qaaday arin halis ah oo muddo shan ah magaalada Muqdisho uu ka waday Baadari u dhashay dalka Kenya.

Baadari u dhashay Dalka Kenya oo diiday magaciisa ayaa la sheegay in muddo shan sano ah uu ka waday magaalada Muqdisho faafinta diinta Karishtaanka, waxaana sidaasi shaaciyay wargeyska wordandway.

Wargeyska ayaa sheegay in baadariga oo magaciisa ay u qaateen JOHN inuu ku joogo magaalada Muqdisho qandaraasyo la xiriira dhismaha, sida warbixinta wargeyska lagu sheegay.

Warbixinta ayaa ugu horeyn looga sheekeeyay halista ay wajahi karaan dadka aan heysan diinta Islaamka marka ay isa shaac bixiyaan inta ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho.

Waxaa sidoo kale la sheegay in ruuxa Baadiriga ah uu ku nool yahay Guri kooban oo uu dadka Soomaaliyeed ku baro Diinta Masiixiga, iyadoo aan wali laga warhelin, sida warbixinta lagu sheegay.

“Si qarsoodi ah ayaan  u heesnaa,una cibaadeysanaa marka aan fursad helna dad badan ayaan gaarsiinaa, inkastoo ay adag tahay in aad tiraahdo waxaan faafinaya Kiristaanimada” ayuu yiri John.

Dalka Soomaaliya waa ka mamnuuc in lagu faafiyo diin aan aheyn diinta Islaamka sidda uu qabo dastuurka Soomaaliya, waxaana muuqata inaan laga warheynta halista dadka ajaaniibta ay ka wadaan Soomaaliya.

Muqdisho Somalia

Gabiley News Staff