Daawo Faah Faahinta : Qarax Goor dhaweyd Moqdisho Ka Dhacay + [ Sawiro ]

Moqdisho (GNN):- Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax maanta ka dhacay kaalin shidaal oo ku taala dhabarka dambe ee wasaaradda Batroolka oo ku taala agagaarka Daljirka Dahsoon.

Uuro ayaa cirka isku shareertay, waxaana la ogeyn khasaaraha ka dhashay qaraxa.

Qaraxa ayaa ka dhex dhacay Kaalin shidaal oo ku taala agagaarka Hotelka Naasa Hablood, waxaana la sheegay in qaraxa uu ahaa gaadhi  la dhex galiyay kaalinta Shidaal.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

Ilaa seddex ruux ayaa waxyeelo kala duwan ay kasoo gaartay qaraxa, kuwaasi oo ku sugan kaalinta shidaal ee ku taala agagaarka Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.

Kaalinta Shidaalka uu ka dhacay qaraxa agteeda ayaa dab xoogan uu qabsaday, waxaana goobtaasi gaari gaadiidka dab damiska oo isku dayaya in ay damiyaan dabka uu sababay qaraxa ee qabsaday kaalinta Shidaalka.

Ciidamada amaanka ayaa gabi ahaan xiray aaga uu qaraxu ka dhacay, waxaana goobtaasi wali kusii qul qulaya gaadiidka gurmadka deg dega oo goobta ka qaadaya dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay

GABILEY.NET