Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Daawo :- Trump Oo Booqday Xadka Mexico Ee Uu Doonayo Inuu Gidaar Ka Dhiso

USA (GNN):- Madaxweyne Donald Trump ayaa markale ku goodiyay inuu ku dhawaaqayo xaalad degdeg ah oo qaran si lacag loogu helo dhismaha gidaarka xadka Mareykan iyo Mexico xilli koongareesku ku gacan seeray inay ansixiyaan qarashki lagu dhisi laha.

“Waxaan xaq u leeyahay inaa ku dhawaaqo xaalad degdeg ah oo qaran,” ayuu ku yiri warfidiyeenada xillli uu kusii socday xaflad ay ku lahaayeen xadka.

Waxa uu sidoo kale madaxweyne Trump sheegay in dowladda Mexico ay “si dadbadan” u bixineyso qarashka dhismaha gidaarka.

Laamaha dowladda Mareykanka ayaa qeyb ahaan ay xirnaayeen 20 kii maalmood ee lasoo dhaafay, taasi oo sababtay in ku dhawaad 800 oo kun shaqaalaha federaalka ah ay mushaar la’aan ku dhacdo.

Madaxweyne Trump ayaa diidan inuu saxiixo sharci lagu maalgelinayo dibna loogu furayo howlaha laamaha dowladda haddii aysan ka mid ahayn 5.7 bilyan oo doolar oo lagu dhisayo gidaarka xadka Mexico iyo Mareykanka.

Balse wadahadalo lagu arrinsanayay qarashka dhismaha gidaarka ayaa socon waayay xilli xubnaha dimoqaraadiyiinta ay ku gacan seereen inay ogolaadaan qarashkaasi.

Hogaamiyeyaasha Republican-ka ayaa ku adkeysanaya in xisbigu uu garab taagan yahay madaxweynaha, inkastoo qaar ka mid ah xildhibaanada ay doonayaan in laamaha xukuumadda xayiraada laga qaado.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

GABILEY.NET

%d bloggers like this: