Daawo Wasiirada Caafimaadka Somaliland Iyo Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Adeeg Caafimaad Oo Bilaasha Isbitaalka Wajaale Ka Bilaabay.

Wajaale(GNN)Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Ayaa Isbitaalka Magaalada Wajaale Wuxu Ka Daahfurey Barnaamij Adeegyo Caafimaad Oo Bilaasha Loogu Sameynayo Bulshada Saboolka Ah Ee Qaba Xanuunada Maqaarka Sanboorka Xasaasiyada Iyo Xanuunada Indhaha.Waxana Adeegan Caafiamad Fulinayay Dhakhaatiir Uu Horkacyo Wasiirka Caafimadka Dawlad Deegaanka Somaalida Itoopiya.Waxana Adeegyadaa Ka Faa,idaystay Bulshada Saboolka Ah. Wasiirka Caafimadka Somaliland  Badhaasbka Gobolka Gabiley Gudoomiyaha Degmada Wajaale Iyo Masuuliyiinta Ka Socday Deegaanka Soomaalida Ayaa Tilmaamay Muhiimada Adeegyada Caafiamad Ee Bilaashka Ah Uleeyihiin Bulshada Saboolka Ah Ee Aan Awoodi Karin Lacagaha Dawooyinka.

HALKAN  HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

Si Kastaba Ahaatee Adeegyada Caafimadka Ee Ka Imanaya Dhanka Soomaalida Itoopiya Ayaa Imanaya Xili Siyaasad Cusub Laga Jaanqaaday Dawlad Deegaanka Taasi Oo La Xidhiidha Fududaynta Iyo Isdhexgalka Bushada Walalaaha Ah Ee Somaalida, Waxuna Barnaamijkan Daba Socdaa Kulan Madaxweynaha Somaliland Iyo Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Ayku Yeesheen Magaalada Wajaale.Kaasi Oo Lagu Xoojinayay Isdhexgalka Bulshada Iyo Xoojinta Ganacsiga Dawladaha Itoopiya Iyo Somaliland.

REPORTER JACFAR CAWIL HERERI

GABILEY.NET