Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Danjiraha Cusub Ee Ay Itoobiya U Soo Magacowday Somaliland Oo Hargeysa Soo Gaadhay  iyo Dardargalinta …..

Hargeysa(Gnet)-Waxa shalay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland soo gaadhay qunsulka cusub ee ay dawladda Itoobiya u soo magacowday Somaliland danjire Shamsudiin Axmed Rooble.

Ma jiro wax war ah oo ay Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland iyo Qunsuliyada Itoobiya ka soo saareen imaanshaha danjirahan cusub, laakiin warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in danjire Shamsudiin uu shalay ka soo degay madaarka Cigaal ee Hargeysa.

Ma jirin cid ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland oo qunsulkan cusub ku soo dhawaysay madaarka Cigaal.

Danjire Shamsudiin ayaa bedeli doona qunsulkii hore ee Itoobiya Berhe Tesfaye oo muddo toban sannadood ah ahaa qunsulka Itoobiya u jooga Hargeysa.

Imaanshaha diblomaasigan cusub ee ay Itoobiya u soo dirtay Somaliland, ayaa wuxuu meesha ka saarayaa warar ay warbaahinta Soomaaliya muddooyinkii u dambeeyay baahin jirtay oo ahaa inay Itoobiya doonayso inay hoos u dhigto xidhiidhka ay Somaliland la leedahay, ka did markii ay u yeedhay qunsulkii hore Berhe Tesfaye.

Qunsulkan cusub ayaa ah diblomaasi sare oo Itoobiya safiir uga noqday dalalka Kenya iyo Djibouti, waxaanu ka mid yahay diblomaasiyiin tiro badan oo ay Itoobiya u magacowday safaaradaheeda iyo qunsuliyadeedaha dunida ku kala yaala.

W.Geeska

%d bloggers like this: