Dawlada Uk Oo Ku Biirtay Dawladaha Doonaya Inay Saldhig Millatari Ka Furtaan Somaliland !Warbixin Wargeysaka Daily Naton.

Hargeysa(GNN)- Wargeyska  Daily Nation ee ka soo baxa Kenya ayaa maanta qoray  in dawladda UK ay ku soo biirtay  dalalka Imaaraadka carabta oo saldhig millatari ka sameysanaya Berbera iyo Ruushka oo naawilaya inuu saldhig ka sameysto Saylac.

Warkaasi oo Wakaallada Wararka Somaliland ka soo xigatay Daily Nation, ayaa lagu sheegay in Xoghayaha Gaashaan-dhiga UK, Gavin Williamson uu Madaxweyne Muuse Biixi, oo uu kula kulmay Hargeysa ay ka wadahadleen sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka labada dal.

Safaarrada Somaliland ku leedahay Nairobi may beenin, mana ay xaqiijin in UK doonayso inay saldhig millatari ka sameysato Somaliland.

Safiirka Somaliland u fadhiya Kenya, Baashe Cawil Cumar, ayaa sheegay in dalkiisu uu  ku faraxsan yahay booqashadii Xoghayaha Gaashaan-dhiga Ingiriiska, waxaanu tilmaamay in socdaalkaasi  sii xoojinayo  dedaalka ay Somaliland ku raadinayso Aqoonsi caalamiya.

Waxa kaloo uu danjire Baashe Cawil sheegay  in socdaalkii Xoghaye  Gavin Williamson uu tusmaynayo in bulshada caalamku ay garwaaqsatay muhiimada Somaliland.

Booqashada uu Xoghayaha  Gaashaan-dhiga UK ku yimid Somaliland waxay ku soo beegantay toddobaad ka dib, markii uu iclaamiyey in Ingiriisku  doonayo inay saldhigyo millatari ka sameystaan  adduunka, marka ay ka baxaan Midowga Yurub dib, waxaanu Wargeyska Daily Nation ku warramay  in socdaalkan  loo arkay inay suurtogal tahay in Xoghayuhu kala hadlay Somaliland sidii ay UK uga sameysan lahayd  saldhig millatari.

Warsiduhu wuxuu intaas ku daray in Gavin Williamson, oo toddobaadkii hore booqday ciidammada UK ee ku sugan Kenya, uu  xaqiijiyey   in ka bixitaanka Midowga Yurub uu  UK  u ogolaanayo inay  beddelaan siyaasaddii Lixdamaadkii ee ay kaga baxeen dalalka.Warka Daily Nation daabacday waxa lagu sheegay in saldhigii Millatari ee Imaaraadku ka hirgelinayey Magaalada Berbera ee Somaliland uu dhammaan doono bisha June ee sannadkan.

 

XIGASHO WAKAALADA WARARKA EE SOLLA OO SOO TURJUNTAY WARKA Wargeyska Daily Nation:

 

Somaliand President Mouse Bihi holding talks with UK’s Defence Secretary Gavin Williamson at the presidential palace in Hargeisa, Somaliand, at the weekend.

The United Kingdom has joined Russia and the United Arab Emirates in the scramble to set up military bases in Somaliland.

UK Defence Secretary Gavin Williamson at the weekend met President Mouse Bihi in Hargeysa, and discussed ways on strengthening the relationship between the two countries.

Somaliland, a former British colony, is yet to be recognised internationally.

The Somaliland embassy in Nairobi, neither denied not confirmed reports that Britain was seeking to set up a military base in the horn of Africa country. Somaliland Ambassador to Kenya Omar Bashe said his country was excited over Mr Williamson’s visit which, he said, would help the country’s push for international recognition after breaking away from Somalia.

Mr Bashe said Mr Williamson’s visit was a clear indicator that the international community recognises the importance of Somaliland.

The visit comes barely a week after Mr Williamson said the UK was keen on building new military bases around the world after Brexit. It is believed his visit to Somaliland sought to discuss the possibilities of setting up a base in the country.

“For so long – literally for decades – so much of our national view point has been dominated by the discussion about the European Union. This is our moment to be that true global player once more – and I think the armed forces play a really important role,” said Mr Williamson.

Mr Williamson, who last week visited the British army in Kenya, said that Brexit would allow the UK to change the 1960s policy of withdrawal from regions ‘east of Suez.’

Britain joins Russia which last April announced its intention to set up a naval base in Saylac, Somaliland.

A Russian delegation held talks with Somaliland government for a 1,500 man base to support its warships and hunter-killer submarines to operate in the volatile region and busy shipping lanes that carry most of Europe’s goods.

The United Arab Emirates is also building a military base in Berbera. The UAE base, which will begin operating by June, includes a coastal-surveillance system.

The UAE is growing its military presence in the Horn of Africa to protect trade flows through the Bab el-Mandeb, a key shipping lane used by oil tankers and other cargo vessels en route to the Suez Canal. Emirati footholds in Somaliland and Eritrea provide strategic locations as the UAE supports the Saudi Arabia-led war against Houthi rebels in Yemen.

https://www.nation.co.ke/news/africa/UK–Russia-and-UAE-scramble-to-set-up–bases-in-Somaliland/1066-4926388-fo30xt/index.html