Dowladda Ingiriiska Oo Safiir Cusub U Soo Magacowday Somaliland Iyo Soomaaliya

London (GNN):- Dowladda boqortooyada Ingiriiska ayaa waxa maanta safiir cusub usoo magacowday dalalka Somaliland Soomaaliya.

Safiirka cusub ee UK u fadhin doonaa Somaliland iyo Soomaaliya ayaa loo magacaabay Ben Fender, sida lagu sheegay qoraal uu soo saaray xafiiska arrimaha dibedda dalkaas.

Fender ayaa waxa uu xilka kala wareegi doonaa David Concar, marka la gaadho bisha Febraayo ee soo socota.

Concar ayaa la sheegay in xil kale oo diblomaasiyeed uu u wareegi doono, inkasta oo aan shaaca laga qaadin.

Ben Fender ayaa ka hor xilkan ahaa madaxa siyaasadda amniga ee xafiiska arrimaha dibedda UK, wuxuuna hore usoo noqday ku xigeenka howlgalka UK ee dalka Iran.

GABILEY.NET