Gudoomiye Ciro Oo Gaadhey Addis Ababa Iyo Kulamo Uu La Qaadan Madaxda Sare Ee Dawlada Faderaalka

Hargeysa (GNN):- Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro) ayaa gaadhay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Gudoomiye Cirro oo qoraal ku baahiyey bogiisa Facebook ayaa sheegay inuu la kulmo doono saraakiil ka tirsan dawlada federaalka ah ee Itoobiya iyo madaxda kilalka shanaad ee soomaalidu degto.

Gudoomiye Cirro ayaa qoraalkiisa ku yidhi “Xalay waxa aan soo gaadhay Magaalada Addis Ababa oo aan muddo kooban joogayo si aan ula kulmo saraakiil ka mid ah dawladda dhexe ee Itoobiya iyo madax ka mid ah madaxda Kililka Soomaalida ee Itoobiya,”

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey ku sugnaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, halkaas oo uu kulamo kula qaatay safiirada beesha caalamka ee daneeya dimuqraadiyada somaliland iyada oo muran ka taagan yahay doorashooyinka somaliland isla markaana mudo kordhintii goleyaasha kala duwan ee deegaanada iyo wakiiladu ay miiska saaran tahay.

Gudoomiye Cirro ayaa mudadii uu ku sugnaa dalka Kenya waxa uu daneeyayaasha caalamka ee dimuqraadiyada somaliland kala hadlay mawqifka xisbiga Waddani ka taagan yahay doorashooyinka.

GABILEY.NET