Maayar Ku Xigeenka Hargeysa Oo Ku Hanjabey Inaanay Jirin Cid Kala Diri Karta Golayaasha Deegaanka Dalka

Hargeysa (GNN):- Maayar ku Xigeenka Golaha Deegaanka Magaalada Hargeysa Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cagaweyne) ayaa ka hadlay arin maalmihii u dambeeyay aad loo hadal hayay oo ku saabsan waxa laga yeelayo Golaha Deegaanka Hargeysa oo wakhtigiisii sharciga ahaa uu kaga egtahay Bilahan soo socda ee sannadkan, isagoo sidoo kalena beeniyay wararka ku saabsan Maayarkii Golaha Deegaanka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) inuu ka baxsaday Baadhista Hanti dhawrku  ku hayo Xafiisyadda Lacagta Dawladda Hoose.

Maayar Ku xigeenka Golaha Deegaanka Hargeysa Cabdicasiis Cagaweyne ayaa sidan ka sheegay Maruu Doraad warbaahinta kula hadlay Xarunta Degmadda Macalin Haruun ee Bariga Magaalada HARGEYSA, isagoo ku goodiyay inaanay jirin cid awood sharci u haysata oo kala diri karta Golaha Deegaanka Hargeysa isagoo sidoo kalena sheegay inay keli ah Kuraasta u banayn karaan oo qudha Golaha uu ka tirsan yahay Gole lasoo doortay oo sifo sharci ah ama cod umadeed ku yimaada, isagoo ganafka ku dhuftay hadal haynta maalmahan ee la sheegayo in Goleyaasha Deegaanka la kala dirayo, maadaama oo Golihii Wakiiladda oo iyaganna wakhtigoodu dhamaaday loo kordhiyay.

Maayar ku Xigeen Cagaweyne ayaa sidoo kalena ka hadlay warar maalmihii u dambeeyay la isla dhex marayay oo sheegaya inuu Maayarkii Golaha Deegaanka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco uu safar Qarsoodi ah oo ku galay Wadan ka mid ah dalalka Qaaradda Yurub kuyaala, kaasi oo la sheegay inuu kaga baxsaday Baadhis ay Xafiisyada Xisaabaadka Dawladda Hoose ku wadaan Hanti Dhawrka Qaranka Somaliland, waxa uu Cabdicasiis beeniyay Warkaasi Maayarka waxaana u sheegay inuu safaro shaqo ugu baxay Dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya, shalay ahaanna uu dalka dib ugu soo noqonayo.

Maayar ku xigeen Cabdicasiis Cagaweyne ayaa markii ay Warbaahintu Muuqaalkaasi ka duubtay Qol hoosta uga soo xidhay kana codsaday inay warka ka reebaan hadalka uu kaga hadlay inaan Golaha Deegaanka la kala diri Karin iyadoo fajiciso ku noqotay Warbaahinta arintaasi islamarkaana ay khasab ku noqotay inay qaarkood kameraddaha hortiisa ku masaxaan islamarkaana ay dib uga duubaan muuqaal kale oo uu keli ah kaga hadlay arinta Maayarka kaasi oo laga sii daayay Muuq baahiyayaasha Qaarkood.