Maayerka Magaalada Gabiley Wuxu Ku Takrifalayaa Hantida Dawlada.Iyo Moganaanta Xukumada.Qalinkii Cali axmed Nuur

Gabiley(GNN) Tan Iyo Markii Maayerka Magaalada Gabiley loo Doortay Maxamed Amiin Cumer Cabdi, Waxa Soo Baxay Ku Takri Fal Hanti Dawladeed Sharci Jabin Xoogan. Iyo Musuqmaasuq Hadheeyay Dawlada Hoose Ee Degmada Gabiley. Iyadoo Shaqaalihii Dawlada Hoose Ee Ay Waaeen Mushaaro.Xukumada Somaliland  Oo Ay Soo Gaadheen  Baaqyada Kala Duwan Ee Ku Saleysan Cabashooyinka  Musuqmaasuq Ee Lala Xidhiidhinayo Maayerka Magaalada Gabiley.Xukumadu Iyado Ka Jawaabasa Baaqyada Bulshada Waxey Dawlada Hoose Ee Degmada  Gabiley Soo Galiyeen Odhod Ukuurgalaya Xaaladaha Musuqmaasuq Ee Lagu Eedeeyay Maayerka Magaalada Gabiiely.Ilo Lagu Kalsoonaan Karo Ayaa Tibaaxay In Judhiiba Odhodku Ay Heleen Buugag Foojariya Iyo Kiisas MusuqMaasuq Oo Cadeeymo Waafiya Loo Helay.Waxeyna Xogaha La Wadaageen Cidii Ay Khuseysay.Ilaa Iminika Wax Talaabo Ahi Kama Soo Bixin Laakiin Bulshada Magaalada Gabiley Way Sugayaan Amiimiirta Ka Soo Baxda Arinatasi.

Maayer Maxamed Amiin Cumer Cabdi Oo Bulshada XIdhiidh Badan La Laheyn Ayaa Lagu Tilmaamaa Masuul Hanti Jecel Oo Doonaya Inuu Intuu Xilka Hayo Kasii Dhiigaysto Hantida Iyo Dhaqalaha Umada.Waxana Si Cadaana Oo Marag Ma Doona Loo Ogaaday Guryo Iyo Meherodo Ganacsi Oo Uu Masuulkani Yagleelay.Kuwaasi Oo Lagu Xardhay Magacyo Beena Abuura  Oo Lagu Marin Habaabinayo Bulshada Lana Doonayo In Aan La Ogaan.

Magaalada Hargeysa Wuxu Ka Sameeyay Kaalinweyn Oo SHidaal  Iyo Sariflayaal Lagacta Lagu Sarifo Xaga Magaalada Gabiley Uu Ka Sameystay Dhul Ku Kula Yaala Afarta Xaafadood Ee Magaalada Gabiley.Sido Kalena Wuxu Ku Biiray Sheerar Uu La Yeeshay Shirkado Caan Ah Oo Misana Waaweyn.

Waxa Soo Baxaya Dhaliilaha Iyo Kalsooni La,aanta Shacabka Magaalada Gabiley Ay Usoo Jeedinayaan Maayerka Magaalada Gabiley Oo Ayku Tilmaameen Mid Laso Baxey Waji Gabax Ka Gedisan Kii Wakhtigii Ololaha Uu Ku Jirey Oo Uu Bulshada Cajalad Kale Usaari Jirey.

la soco qaybaha kale ee maqaalkan oo taxane noqondoona

Qalinkii Cali axmed Nuur

Alinuur44@gmail.com