M/Weynaha Deeganka Soomalida Ethiopia Ayaa Si Diiran Uso Dhaweeyey Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani wasiirka Shaqo gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska JSL

 

ADDIS ABABA {GNN} 30/1/2019
Madaxwaynaha ismaamulka Dawlad deeganka soomalida Ethiopia Mustafe cagjar aya soo dhawayn diiran u sameeyey
Wasiirka wasaaradda Shaqo gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland

Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani aya ugu horaynba uga mahadnaqday madaxwaynaha soo dhawaynta uu u sameeyey
Kuna bogaadisay hanaankiisa maamul iyo dhabaha wanaagsan ee u Ku hagayo umadiisa

Dhanka kale Wasiir Hinda waxay aad ugu dheeratay xidhiidhka qotoda Dheer ee ka dhexeeya ismaamulka soomalida Ethiopia iyo
Jamhuuriyada Somaliland shacab ahaan iyo maamul ahaanba
Iftiimisayna maraaxilkii kala duwana ee umadaha wada yaala so wada mareen

Ugu danbayntii Wasiir Hinda aya ugu ducaysay madaxwaynaha in ilaahay xilka u fudaydiyo kuna garab galo

GABILEY.NET