Madaxweyne Biixi Oo Bedelay Aragti Uu Bil Ka Hor Aaminsanaa Iyo Hadal Uu Ummada U Sheegay Oo Beenoobay + [ Muuqaal ]

Hargeysa (GNN):- Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo 9 bishii December ee 2018-kii kormeer ku tagay cisbitaal guud ee magaalada Hargeysa ayaa waxa uu wacad ku maray in wasiiradda xukuumaddiisu marka ay xannuustaan la dhigi doono cisbitaal, waxaanu dadka reer Somaliland ugu baaqay inay aaminaan cisbitaalka dawladda.

Madaxweyne Muuse Biixi oo maalintaas ay hadalkiisa ka muuqatay qiiro badan ayaa waxa uu sheegay in aanay dadka reer Somaliland aaminsanay dhakhtarka weyn ee Hargeysa in lagu daweeyo iyo in caafimaadkooda lagu baadho.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu sheegay in wasiirrradiisa oo ugu horreeyo wasiirka caafimaadku uu ku amrayo in la dhigo cisbitaalka weyn ee Hargeysa waxaanu yidhi

“wasiirrada baasaabooradda sita, oo uu ugu horreeyo wasiirka caafimaadka oo reer Ingiriis ah waxaan ku amrayaa marka ay xanuustaan (bukoodaan) dhakhtarkaa weyn ayaa la dhigayaa, madaxweynuhu marka uu bukoodo waa lala cararayaa waa in aynu inagu iska bilownaa haddii kale dadku ma aaminayaan…” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa bookhasho ugu tagay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf oo xaalad caafimaad loo dhigay Cusbitaalka Hal-door ee Caasimada Hargeysa.

Dadka baraha bulshada wax ku qora ayaa si weyn u qaadaa dhigayay hadalkii uu bil ka hor jeediyay Madaxweyne Muuse Biixi iyo booqashadiisa maanta ee wasiirka caafimaadka oo la dhigay cisbitaal gaar loo leeyahay ee hore u dhaleeceeyay Madaxweynuhu.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan