Nooca Uu Yahay Baaq Ay Qaramada Midoobey Soo Saartey .

New York (GNN):- Qaramada Midoobey ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada Yemen inay ku dhaqaaqaan tallaabo kasta oo lagu difaacayo nolosha dad rayidka ah xilliay jirto cabsi ah in dagaallo hor leh ay horseedaan in macluul dalkaasi ka dilaacdo.

Isku duwaha arrimaha xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobey, Lise Grande ayaa sheegtay in aysan jirin sabab horseeday duqeyntii Sabtidii lala beegsaday xero ay ku sugnaayeen dad barakacayaal ah.

Siddeed qof ayaa ku dhimatay deegaan ay maamusho dowladda oo dhaca gobolka Xajjah ee waqooyiga magaalada dekedda leh ee Xuddeydah.

In ka badan muddo bil ah ayaa laga joogaa markii dowladda Yemen iyo maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ay gaareen heshiis xabad joojin ah, Afahayeen u hadlay barnaamijka cunnada ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in maciishad xun ay ka jirta guud ahaan dalkaasi.

Weriyaha BBC ee ku sugan dalka Yemen ayaa kusoo warramaya in khasaarihii badnaa ee shacabka soo gaari jirtay aysan jirin isla markaasna ay jiraan cadaadis ah dhaqan gelinta xabad joojinta.