DEG DEG Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho ee Xarunta Maamulka Somalia iyo Khasaaraha …….

Ugu yarana hal qof ayaa la sheegayaa inuu ku dhaawacmay qarax goor dhowayd ka dhacay magaalada Muqdisho ee xarunta u ah maamulka somalia

Qaraxan ayaa ka dhacay meel u dhow maqaaxi laga cunteeyo oo ku taalla degmada Hodan, una dhow isgoyska Banaadir.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in qaraxani uu ka dhashay baabuur. Ilaa hadda lama oga cidda sida gaarka ah loo bartilmaameedsanayey.

Qaraxaasi ayaa keenay olol iyo qiiq saameeyey baabuur kale oo goobta taallay.

Gabiley.Net /VOA Somali