Qaybtii 4aad : Ka Hortagga Khatarta Dabka : Diyaariye Sareeye Guuto: Axmed Maxamed xassan (Sawaxili).

Hadaba ugu dambeyntii ayanu taliyaha suaalo gaagaaban ka weydiiney qormooyinkan aynu soo sheegney waxaanu u dhacey sidan:

Suaal: Waadigan soo sheegey in dabka aad loo dheyelsado khaas ahaan bakhaareyda,Ganacsatada, Gadiidleyda, Bacadleyaasha iyo Wershedleydaba, maxaad kula talin lahayd iney yeelaan si ay uga nabad galaan dabka iyo waxyeeladiisaba?

Jawaab: waxaan kula talin lahaa markiisa hore dabku wuxuu ku fiicanyahay in lala diriro  inta u yaryahay, waxaana lagula diriraa dab demiyeyaasha yaryaree gacanta lagu qaadi karo afka qalaadna loo yaqaano (PORTABLE FIRE EXTINGUISHERS) oo noocyo badan leh oo mid waliba lagu isticmaalo dabka loogu tala galey oo aad u qiima jeban hase yeeshee waxtarkoodu yahay mid hakiya dab meesha oo idil baabi’n lahaa khasaara weynna geysan lahaa.

Waxaan kale oo aan kula talin lahaa iney bartaan habka loo isticmaalo iyo nooca dabka lagu isticmaalo dabdemiyeyaasha gacanta lagu qaato (Portable Fire Extinguishers) ka taas oo ay ka caawin doonaan Ciidanka Dabdemiska Qaranka nooca dabdemiyeyaasha iyo tababarkoodaba.

Waa iney ku rakibtaan qalabka dabka sheega inta u yaryahay ee u heeraabka yahay iyo inaaney had iyo jeerba cidleynin meelaha hantida badani u taalo, waana iney bartaan telefoonka ciidanka dabdemiska qaranka loogu yeedho oo ah 990 iyo sida habsamida ahee

 Haddii kooxo dabdemis ah jirto ma ahaa inaan loo baahneyn qalabka yaryare dabka demiya in marnaba laga maarmi karo, waa lagama maarmaan demiyeyaasha yaryari iney yaalin meheradaha si loogula sii dagaalamo dabka inta u yaryahay iyo inta dabdemisku soo gaadhayaan. Markii tira koob la sameeyey sidii loo demiyey dababkii dhaca, waxaa la ogaadey iney demiyeyaasha yaryar ee meelaha la dhigto demiyen dabab ka fara badan inta ay kooxaha dabdemintu demiyaan, taasoo keentey in dabka la demiyo inta u yaryahay khasaarahiisana sidaa looga nabad galo.

Suaal: waxaad sheegtey in la isticmaalo demiyeyaasha yaryaree gacanta lagu qaado,hadaba miyaaney u baahneyn in la barto sidii loo isticmaali lahaa?

Jawaab: Waa sax, waa in la bartaa ka hor intaan la isticmaalin, barashadeeduna aad ayey u hawl yartahay, baristana waxaa u diyaar ah ciidanka dabdemiska qaranka oo leh qayb dhan oo loogu tala galey iney dadweynaha tababaraan.

Suaal: Badanaaba xilliyada dabku u dhaco wax manooga sheegi karta?

Jawaab: Horta xilli u gaar ah dabku malaha, dabkuna marku isu rogo cadow wuxuu ku gaada marka laisu beylahiyo, hase yeeshee badankiisu wuxuu dhaca habeenkii marka la hurdo, iyo meelaha la cidleeyo sababta ugu badan ee dabka sababana waxaa weeyaan dadka oo aan wada deminin dabka wax lagu karsado hubsanina inuu dabkaasu wada demey, Sigaarka oo lacabo xilliyada habeenkii oo laga gam’o asagoo siraadan, qalabka korontada ku shaqeeya sida leydhadhka iyo wixii lamid ah oo  an iyena lawada deminin, waxaa kaloo jirta inaan dadweynuhu marka ay habeenkii seexanaayaan aaley qol walba albaakiisa gaar ahaan u xidhin oo mmarku u dab kaco guriga oo idil qiiqu uku wada fido, qiiqaas oo wada dila dadka hurda gurigaas sidey ugu kala hurdo badanyihiin. Markii tira koob la semeeyeyna waxaa fara batey dadka u qiiqu diley ee aanu dabku weli soo gaadhin.

Ugu dambeyntii waxaan dadweynaha kula talin lahaa marka habeenkii la seexanaayo waa inuu

qofka weyne guriga jooga u wada hubsado dabkii wax lagu karsanaayey in la wada demiyey, haddii haamaha gaasta ah laisticmaalona in lawada xidhey kaagooda , leydhadhkuna iney wada densanyihiin, qol walibana albaabkiisi inuu u xidhanyahay, sababtoo ah sidaanu u soo sheegney haddii u qol kamid ah qolalka guriga u dab qabsado, dabka iyo qiiquba wexey ku ekanayaan qolkaas xidhan oo keliya, lagana yaaba in dabkaasu iskii isaga demo marku dhameysto oksijiinta makhsinkaas.

La Soco.

Waxaa noo soo diyaariyey:

Sareeye Guuto:  Axmed Maxamed xassan (Sawaxili).