Sawirro: Maxaa Kasoo Baxay Kulankii uu Abiy Axmed la yeeshay Axmed Shide iyo Mustafe Cagjar.

Addisabab(GNN):– Ra’isal wasaaraha Dalka Itoobiya Abiye Axmed ayaa maanta Magalada Adis ababa kula kulmay madaxda ugu sarreysa ismaamulka Soomaalida.

Kulanka Ra’isal wasaaraha iyo labada Nin ee isku khilaafsan hab maamulka Dowlad Degaanka Somalida ayaa waxaa lagu sheegay in uu is afgarad ku soo dhamaaday.

Warkooban oo lagu qoray Bogga Twitter-ka ee Ra’isalwasaaraha Itoobiya ayaa lagu sheegay in Mustafe Cagjar iyo Axmed Shidde ku heshiiyeen sii wada shaqeynta iyo in laga shaqeeyo horumarinta Maamulka SOomaalida.

Todobaadyadii la soo dhaafay Ismaamulka Somalida waxaa ka jiray khilaaf u dhaxeeyay Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shidde oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga Shacbiga Soomaalida iyo Madaxweynaha Ismaamulak Mustafe Cumar Cagjar.

Afar ka mid ah xubnaha cusub ee Ismaamulka Somalida Itoobiya ayaa xilka qaadis lagu sameeyay kaddib markii lagu eedeeyay in ay khilaaf ka dhexwadaan maamulka sidoo kalena xiriir la leeyihiin Madaxweynihii hore ee Ismaamulka Cabdi Maxamuud Cumar.