Sidee loo kala maareyn doonaa khudbadaha siyaasiyiinta Somalia ee isku cadheysan ee ka qaybgalaya caleemasaarka madaxwaynaha puntland?

Maamulka Puntland ayaa laga dhowrayaa sida ay u kala maareyn doonaan khudbadaha ay xafladda Caleema saarka madaxweyne Siciid Deni ka jeedin doonaan siyaasiyiinta mucaaradka isku ah.

Xakameynta Hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee ku sugan Garoowe ayey shacabku u arkaan mid lagama maarmaan ah, iyadoo laga cabsi qabo iney khudbadahooda ku soo qaadaan arrimo xasaasi ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa si toos ah u wajihi doona inta badan siyaasiyiinta ugu waaweyn ee mucaaradka ku ah dowladdiisa, waana markii ugu horreysay ee ay hoggaamiyeyaasha ugu badan ee dhanka siyaasadda isugu careysan hal goob isugu tagaan.

Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maalmihii la soo dhaafay ku mashquulsanaa soo dhaweynta madaxda kala duwan ee daneyneysa iney ka qeyb galaan xafladdiisa caleema saarka.

Shalay oo Jimce ahayd ayey siyaasiyiintii ugu badneyd gaareen magaalada Garoowe, waxaana ka mid ahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Labadan siyaasi ayaa ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka ah ee ugu waaweyn Soomaaliya, waxaana wehlinaya xubno fara badan oo ka mid ah xisbiyadooda siyaasadeed.

Maanta oo Sabti ah waxaa Garoowe u ambaxaxay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku wajahan Garoowe, si uu xafladda caleema saarka uga qeyb galo.

Dhammaan mas’uuliyiintan ayaa la filayaa iney caawa helaan fursado ay khudbado kala duwan uga jeediyaan munaasabadda caleema saarka madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Horay waxay siyaasiyiinta dowladda iyo Mucaaradka warbaahinta isugu marsiiyeen hadallo iska soo horjeeda oo muran badan abuuray islamarkaana soo jiitay hadal heynta shacabka.

Balse lama oga qodobbada ay ku soo qaadi doonaan khudbadahooda caawa, inkastoo ujeeddada ugu weyn ee la filayo iney ka hadlaan ay tahay bogaadinta hannaankii ay u dhacday doorashadii Punland ee qabsoontay 8-dii bishan Janaayo.

Gabiley.Net/BBC Somalia