Siyaasi Caan Ah Oo Qirtay In Uu Tuug Ahaan Jiray !

Nairobi (GNN):- Waa mid ka mid ah siyaasiyiinta ugu magaca dheer dalka Kenya, waxaana soo doortay dad gaadhaya illaa 7 milyan oo qof oo ku nool caasimadda Nairobi, balse ma ahan nin ka baqaya in uu ka sheekeeyo wixii uu soo maray.

Mike Sonko waa barasaabka ismaamulka Nairobi, idaacadda la’iska arko ee Citizen inta uu soo fariistay ayuu ka sheekeeyay taariikhdii uu soo maray.

Sonko oo marti ku ahaa barnaamijka JKL ayaa barnaamijka la yimid waraaqo badan oo muujinaya musuqmaasuq ka socda maamulka Nairobi, iyo saraakiil badan oo uu shaqada ka eryay ayaa dhanka kale ka sheekeeyay taariikh nololeedkiisa.

“Waxaa habboon in aad bulshada runta u sheegto, runtana waxa ay tahay aniga waxaan soo ahaan jiray tuug, dambiile, turuufaale, balse hadda dadka Nairobi oo dhan 7 milyan oo qof ayaa igu aaminay mas’uuliyad, markii aan xildhibaanka noqday (hadda ka hor) ayaan iska dhaafay tuugonimada” ayuu yidhi Soko.

GABILEY.NET