Siyaasi Cabdirashiid Xasan Mataan Siduu U Arkaa Khilaafka Xisbiyada Iyo Arita Komishanka Ee La Isku Hayo ?

Hargeysa (GNN):- Siyaasi Cabdirashiid Xasan Mataan oo ka mid ah xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa ka hadlay ismarin waaga u dhaxeeya xisbiyada qaranka.

Siyaasi Cabdirashiid oo qoraal uu kaga hadlayo khilaafka siyaasiga ah ee taagan ku baahiyey bogiisa Facebook ayaa hoos u dhigay dooda xisbiga Waddani ee la xidhiidha guddida doorashooyinka.

Siyaasi Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa qoraalkiisa ku yidhi :-

Mucaarad doorasho diidayaa wuxuu doonayo ayaan jirin, 7da xubnood ee GDQ ee SL waa guddi isu dubarida hawsha diyaarinta doorashooyinka ka dhaca 1642 goobood oo ay joogaan hawlwadeeno aan ka yaraan 5 qof goob kasta, sidoo kale waxa jooga muraaqib xisbi xilliga doorashada

madaxtooyada, Marka ay doorasho deegaan iyo mid wakiil tahayna musharixiinta ayaaba soo xusha muraaqibiinta.

Intaa marka aynu isla ogolnahay gari allay taqaane kalsooni darrada Xisbiga Wadani ka qabo GDQ ee lagu khiyaami karaa halkeebay ka imanaysaa, miyaan la odhan karin waa marmarsiiyo lagu wiiqayo geedisocodka doorashooshinka muddo dhaafay.

Ma la is odhan karaa doorshadii 2015 kii inoo qabsoomi lahayd intii hortaagnayd ee dib u dhigtay baa maantana hortaagan doorashada golayaasha.

Waxaan shaki ku jirin haddii doorasho dhici waydo in muddo kordhis yahay xalka qudha ee sharci ah kaasoo niyad jab ku ah musharixiintii tobankii sano sugayey doorasho iyo tartan ay galaan.

Waxaan qabaa haddii guurtidu ayiddo in doorasho dhacdo musharixiintii rabay in ay iska sharaxaan xisbiga Waddani, aanu xisbigu hor joogsan karin waxase la filan karaa in aanay guurtidu doorashada ayidaynin waayo iyaga ayay korodhsiimadu dan u tahay mar walba.

Somaliland alow dhowr.