Somaliland oo Ka Digtay Hubka La Siiyo Maamulka Somalia inu ku Dambeyn Doono Gacanta Argagixisada

Nairobi(Gnet) -Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa maanta daabacay qormouu kaga hadlay dacwadadawladda Somaliland ayu gudbisay madaxa Golaha Ammaanka Qarammada Midoobay Mr. Francisco Antonio Cortorreal, taasi oo ay Somaliland ku iftiimisayin Gaadiidka Millatari ee dalka Qatar ugu deeqday Soomaaliya uuburinayo qaraarkii Qarammada midoobay eetirsigiisu ahaa2444, kuna wajahnaacunaqabataynta hubka ee saaran Somalia.

Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA , ayaasoo xigatay Warbixinta Daily Nation, waxalagusheegay in Xukuumadda Somaliland ay u aragto hub kasta oo la siiyo ama laga iibiyo Soomaaliya uu ku dambeyn doono gacanta kooxaha argagixisada.

Wargeyskawuxuu intaas ku daray in Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) uu dacwadiisa ku caddeeyey in hubka iyo Saanadda millatari la siiyo Maamulka somalia ay khatar ku yahay Somaliland iyo dalalka jaarka ah sida Kenya.

Waxa kaloo Wasiir Faratoon xusay in hub kasta oo Somalia hesho uu aakhirka gacanta u geli doonokooxaha argagixisadda.

Booliska Kenya ayaa shan maalmood ka hor shaaciyeyinSaddex qori oo ka mid ahaa Shantii qori ee lagu weeraray Huteelkii ku yaallay Nairobi hore loogu iibiyey Maamulka somalia

Gabiley.Net