Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Tirada Dadka Ku Dhintey Dibadbaxyada Ka Socda Dalka Suudaan

Sudan (GNN):- Booliska dalka Suudaan ayaa sheegay in ugu yaraan saddex qof ay ku dhinteen dibadbaxyo dowladda looga soo horjeedo oo shalay ka dhacay magaalada Omdurman oo u dhaw magaalada caasimadda ee Khartuum.

Dadka dibadbaxa dhigayay ayaa ku dhawaaqayay ereyo ay ku codsanayaan inay helaaan ‘caddaalad iyo xoriyad’. Booliska ayaa suntan dadka ka ilimeeysiisa ku kala eryay dadka bannaanbaxayay.

Dhaqaatirta ku sugan Suudaan waxay sheegeen in ugu yaraan 6 qof ay qabaan dhawaacyo rasaas isla markaasna hadda ay daweynayaan.

Waxaa jiraa warar kale oo sheegayo in toogasho ay ka dhacday isbitaalka ugu weyn ee aaggaasi.

Khasaaraha ka dhashay dibadbaxyada ayaa imaanaya xilli madaxweyne Cumar Al Bashiir uu ka qeyb galay shalay isu soo bax siyaasadeed oo lagu tageerayo dowladdiisa, wuxuu sheegay in uusan xilka ka dageynin.

Dalka Suudaan waxaa hareeyay dibadbaxyo looga soo horjeedo qiimaha maciishadda oo sare u kacday.

Waa dhibaatadii ugu weyneyd uu wajahaya Al Bashiir tan iyomarkii xukunka uu kula wareegay awood militari 30 sanno ka hor.

GABILEY.NET

%d bloggers like this: