War Deg-Dega Hantidhawrka Guud ee Qaranka Somaliland Oo Baadhitaan Galabta Ka Bilaabay Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta.

War Deg-Dega Hantidhawrka Guud ee Qaranka Somaliland Oo Baadhitaan Galabta Ka Bilaabay Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta.

 

Hargeisa(GNN):-Saraakiil Ka Socoday Xafiiska hantidhawrka Guud ee Qaranka Somaliland ayaa galinkii danbe ee Maanta oo jimce ah Ka Bilaabay Baadhitaano La Xidhiidha dhinaca Nidaamka Xisaabaadka iyo Maamulka ee Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland.

Baadhitaankan oo Maalinta Barrito ah ay Lixda Subaxnimo Ka Bilaabi Doonaan gudo galka Xafiisyada Lacagaha iyo Maamulka Xisaabaadka ee Wasaaarada ayaa Waxay Galabta Masuuliyiintan ka Socoday hantidhawrku Soo Xidheen Dhammaanba Xafiisyada ay maalinta Barrito ah Ka bilaabi Doonaan Shaqada Baadhista ee Wasaarada Warfaafinta Qaranka Somaliland. Walow aaney Jirin Wax War ah oo kasoo baxay Masuuliyiinta ka Socoday Xafiiska hantidhawrka Guud ee Qaranka hadda Waxaa Wararkan noo Xaqiijiyey Qaar Kamida Masuuliyiinta Wasaarada Warfaafinta oo iyagu Ku Sugnaa Xarunta Wasaarada Wakhtigii ay Soo galeen Hawlwadeenada Hantidhawrku.

Image may contain: 3 people, people smiling, people standingImage may contain: one or more peopleImage may contain: people standing

Baadhisahan kala duwan ee uu Sida Joogtada ah u Wado Hantidhawrka Guud ee Qaranka Somaliland Ayaa Salka Ku Haya Sidii Loo Ogaan lahaa Nidaam Xisaabeedka Haayad Kasta iyo Wasaarad Kasta oo Shaqo u Haysa bulshada taas oo looga Dan leeyhay in lagu Saxo Khaladaadka iyo Waxkasta oo madmadow ku Keeni kara Shaqada Qaranka.

Waxaana Laga Dhursugayaa Talaabooyinka kuwan ku xiga ee Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranku Kusoo Bandhigi Doono Baadhitaanadan Kala Duwan ee Ay Dhammaan Ka Sameeyeen Haayadaha Kala Duwan ee Qaranka Somaliland Gobolada iyo Degmooyinka Dalkaba.

La Soco Wixii Warar Ah ee Kasoo Kordha.

Hargeisa Somaliland

Gabiley News Network