Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Wargeys The Independent Oo Shaaciyay Sababta Wasiirka Gaashandhiga UK U Baajiyay La Kulanka Farmaajo

London (GNN):- Wargeyska caanka ah ee The Independent oo ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa daboolka ka qaaday in eryiddii Soomaaliya ee wakiilka Qaramada Midoobay Nicholas Haysom sabab u ahayd in wasiirka difaaca Ingiriiska Gavin Williamson oo gobolka socdaal ku marayay baajiyay safar uu ku tagi lahaa Muqdisho si uu ula kulmo Farmaajo. Waxa uu taa bedelkeeda yimid Hargeysa waxaanu kulan la qaatay madaxweyne Biixi iyo masuuliyiin xukumaddiisa ka tirsan.

“Xukuumaddu waxay dalka ka eriday wakiilkii gaarka ahaa ee Qaramada Midoobay, taasina waxay si toos ah ugu horseeday xoghayaha difaaca Ingiriiska Gavin Williamson, in uu baajiyo bookhasho uu ku tagi lahaa Muqdisho si uu ula kulmo madaxweyne Maxamed Cabdiillaahi Farmaajo iyo wasiirradiisa , xilli uu socdaal ku marayay gobolka,” Sidaas ayaa lagu yidhi warbixinta Wargeyska waxaana xusid mudan in Wasiirka oo Nairobi iyo Hargeysa maray aanu u jahaysan Muqdisho.

Wargeysku waxa uu sheegay in reer Galbeedku si weyn uga saseen xadhiga lagula kacay Mukhtar Robow oo ahaan jiray sarkaal sare oo Alshabaab ah laakiin, ka soo goostay. Waxa ay aamminsan yihiin in dadaalkooda ah in ay madax sare Alshabaab ahi isa soo dhiibta noqonayo hal bacaad lagu lisay haddii kuwii yimid sidan loola dhaqmo.

Wargeysku waxa uu sheegay in Mr Robow lagaga soo badbaadiyay Alshabaab hawlgal uu Maraykanku sameeyay oo uu garab siiyay Ingiriisku, islamarkaana loo arko in aan loola dhaqmin sida xukuumadda Muqdisho ula macaamishay.

Mr Robow oo u tartamayay madaxtinimo ayay qabteen ciidamada Itoobiya ee AMISOM ka tirsan una qaadeen Muqdisho. Nicholas Haysom oo xukuumadda Muqdisho waydiiyay faahfaahin ku saabsan sababta loo xidhay iyo dad lagu laayay Baydhabo ayay xukuumadda Muqdisho eriday, islamarkaana weerar lagu qaaday xarunta Qaramada Midoobay ee Muqdisho

GABILEY.NET

%d bloggers like this: