Wargeyska The Independent Oo Qoray In Xoghayaha Gaashaandhiga Ingiriiska Uu Baajiyay Safar Uu Ku Tagi Lahaa Xamar

Hargeysa(Gnet)-Xoghayaha gaashaandhiga Ingiriiska Gavin Williamson, ayaa baajiyay kulan la qorsheeyay inuu la yeesho Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, intii uu xoghayaha gaashaandhigu socdaalka ku marayay dalalka gobalka oo ay Somaliland ka mid tahay.

Wargeyska caanka ah ee ka soo baxa dalka Ingiriiska The Independent ayaa cadadkiisii khamiistii wuxuu baahiyay in xoghayaha gaashaandhiga ee Ingiriisku uu baajiyay socdaal la qorsheeyay inuu ku tago Muqdisho oo uu kula kulmi lahaa Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada ee dawladiisa.

Wargeysku, wuxuu sheegay in sababta keentay in xoghayaha gaashaandhiga Ingiriisku baajiyo kulankaas ay ahayd ka dib markii ay dawladda Soomaaliya caydhisay ergaygii Qaramada Midoobay danjire Nicholas Haysom. “Dawladdu waxay caydhisay ergaygii Qaramada Midoobay ee dalka, waxaanay tani keentay in xoghayaha difaaca ee Ingiriiska Gavin Williamson uu baajiyo booqasho uu ku tagayay Muqdisho iyo kulan uu la yeelan lahaa Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Maxamed iyo wasiiradiisa intii uu gobalka ku marayay socdaalka.” Sidaas ayay tidhi warbixinta wargeyska Independent.

Wargeysku, wuxuu sheegay inay dawladda Soomaaliya aamusni kaga falcelisay go’aanka ay dawladda Ingiriisku ku cambaaraysay caydhinta ergaygii Qaramada Midoobay iyo weliba baajinta uu xoghayaha gaashaandhiga Ingiriisku ku joojiyay socdaal uu ku tagi lahaa Muqdisho.