Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

“Waxaynu Isku Haysano Xal Waynu Ka Gaadhi La’nahay, Somaliya Hub Urursi Ayey Ku Jirtaa”Xildhibaan Maxamed Faraax Qabile.

Xildhibaan Maxamed Faraax Qabile, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay Gawaadhida gaashaman ee Dawladda Qadar ay ugu deeqday Somaliya, waxaanu tilmaamay inay Somaliland khatar ku tahay.

Xildhibaan Maxamed Faraax Qabile, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ku taliyey in xal deg deg ah laga gaadho khilaafka Xisbiyada, waxaanu ugu horeyn yidhi “Dawladda Somaliya ka dhisani, dagaal dhinacyo badan bay inagula jirtaa, waxaynu ognahay in Maamulkii Hawadeena lagu wareejiyey, waxaynu ka war haynaa in Shirkado Shiinaha ay heshiis la gashay heshiiskaas oo Baddeenuna qayb ka tahay, waxaynu ognahay in xitta Wasiirkii Gaashandhiga Ingiriiska ee dhawaan dalkeena yimid inay Dacwad ka gudbisay, markaas Dawladda Somaliya dhinac walba wey inagala dagaamaysa, oo wax alaale waxay inoo ogoshay ma jirto”.

Xildihbana Qabile mar uu ka hadlaayey khilaafka Xisbiyada iyo Gawaadhiga Gaashaman ee Somaliya loogu deeqay ayaa yidhi “Inagu dhexdeena ayeynu iska haysaana, oo waxaynu isku haysano xal weynu ka gaadhi lanahay, Dawladda Somaliya ka talisanaa hub urursi iyo abaabul inaga dhan ah ayey ku jirtaa, oo weynu arkaynaa in Qadar ay ugu deeqday Gawaadhi Gaashaman,ee waxaan leeyahay aynu soo af jarno khilaafka dhexdeena, oo aynu isku diyaarino dagaal kasta oo Somaliya inagaga iman kara, Madaxweynahana waxaan leeyahay adiga ayaa masuulkii ugu sareeye dalka ee waxaa lagaga fadhiyaa inaad isticmaasho Dublamaasiyad iyo Siyaasad aad ku waajahado Dagaalka Somaliya ee dhinacyada badan, waxaana lagaga baahan yahay inaad dalka iyo dadkaba u horseedid inaynu xidhiidh la yeealano Dawladdo awood leh”.

Xigasho:-Geeska

%d bloggers like this: