Al-Shabaab Oo War Kasoo Saartay Shirka London Ee Shidaalka Soomaaliya

Moqdisho (GNN):- Kooxda Al-Shabaab ayaa ka hadashay shirka shidaalka Soomaaliya ee maanta ka furmay magaalada London, kaasi oo lagu iibinayo xirmooyin ka mid ah kuwa shidaalka Soomaaliya.

Afhayeenka Al-Shabaab, Cali Dheere ayaa sheegay “wax walba oo kasoo baxay shirkaas waa xaaraan, mana aqbali doonno”

Cali Dheere oo la hadlay idaacadda Al-Shabaab, ayaa shaaca ka qaaday inaysan marnaba suurta-gali doonin in go’aannada kasoo baxa shirkaasi laga dhaqan geliyo gudaha dalka Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa u sheegay in uu ugu baaqayo in shirkadaha doonaya inay soo qaataan qandaraaska shidaalka Soomaaliya ay ku waana-qaataan dilkii Paul Anthony Formosa ee dekedda Boosaaso.

“Haddii aydaan ka waan toobin boobka kheyraadka Soomaaliya, waxaad ku dambeyn doontaan sidiisa oo kale” ayuu yidhi  Cali Dheere.

Shirkan ayaa waxaa horey u cambaareeyey siyaasiyiinta iyo xisbiyada mucaaradsan xukuumadda hadda haysa talada dalka.

GABILEY.NET