Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Baasaboor Ay Ku Mideysan Yihiin Wadamada Afrika Oo Maanta Lagu Soo Bandhigayo Addis Ababa

Addis Ababa (GNN):-  Shirka Madaxda Dalalka Afrika ee ka furmay magaalada Addis Ababa ayaa lagu wadaa in maanta lagu soo bandhigo Baasaboor ka dhexeeya dhammaan wadamada qaarada Afrika.

Guddi uu Midowga Afrika u xilsaaray sameynta Baasaboorka ayaa ku soo bandhigaya kulanka Madaxda Midowga Afrika qaabka uu yeelanayo Baasaboorka.

Waxaa la rajeynayaa in baasaboorka uu bog cusub u furi doono xidhiidhka  iyo isu socodka dadka ku nool qaarada Afrika.

Baasaboorkan ayaa la filayaa in uu bedeli doono baasaboorada ay soo saaraan dowladaha ka taliya wadamada kuyaal qaarada Afrika.

Marka la soo saaro baasaboorkan ayaa waxa uu baabi’in doonaa in viso ama dal-ku-gal ay u baahdaan dadka ku nool illaa 55 dal oo qaarada Afrika ka mid ah.

Hase yeeshee,khubarada ayaa sheegaya in sanado ay qaadan karto in si rasmi ah uu u soo baxo baasaboorkan cusub. Wadamada Seychelles iyo Benin oo qaarada Afrika ka mid ah ayay ku tegi karaan muwaadiniinta qaarada Afrika dal-ku-gal la’aan.

Si kasta ha ahaatee,waxaa jirta cabsi laga qabo marka uu soo baxo Baasaboorkan in dadka ku nool dalalka saboolka ah ay u safraan wadamada qaniga ah ee ku yaal qaarada Afrika.

Sidoo kale kulankan ka socda magaalada Addis Ababa ayaa loogaga hadlayaa arrimaha qaxootiga.

GABILEY.NET