Cabdi Maxamuud Cumar Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadlay Xadhigiisa Iyo Maxkamadeyntiisa.

Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xdhigiisa iyo maxkamadaha marar badan lasoo taagay.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa hadalkaasi ka sheegay mar shalay la soo taagay Maxkamadda Federalka ee ku taalla caasimadda dalkaasi ee Addis Ababa, waxaana lagu soo oogay dembiyo badan oo ay ku jirto inuu ka dambeeyey dagaal-beeleedyo ka dhacay Kilinka 5-aad.

Mar uu Garsooraha Maxkamadda wax ka weydiiyey Cabdi Maxamuud Cumar inuu fahamsan yahay Dacwadaha loo haysto, waxa uu si kooban u sheegay inuu fahamsan yahay, isla markaana ay yihiin Eedeymo la soo dhoodhoobay oo aan waxba ka jirin.

Dacwadaha Cabdi Maxamuud Cumar waxaa kaloo kula eedeysnaa 47 xubnood oo ka tirsanaa Maamulkiisa, balse 6 ka mid ah ayaa loo qabtay Kiiskaasi, halka inta kalena ay ka cararay dalka Ethiopia.

Xubnaha shalay dacwadda ku wehliyey Madaxweynihii hore ee Maamulka Soomaalida Ethiopia waxaa ka mid ahaa Madixii  Xafiiska Arrimaha Haweenka iyo Carruurta ee Maamulkiisa, Raxma Maxamed Haybe, Madixii  hore ee Xafiiska Arrimaha Qurbo-joogta, C/risaaq Sehane Cilmi,  Taliyihii hore ee Boliska ee Maamulkii hore, Farxaan Daahir iyo  labo xubnood oo kale oo lagu kala magacaabo Warsame Cabdi iyo Guuleed Cabdi.

Dhegeysiga Dacwada shalay ayaa ahayd markii 4-aad ee Cabdi Maxamuud Cumar iyo xubno kale la soo golo-joojiyo Maxkamadda, waxayna Maxkamadda Federalka Ethiopia sheegtay in  dhegeysiga Kiisaska loo haysto Cabdi Maxamuud Cumar iyo xubnaha kale dib u dhigtay ilaa bishan  Feberaayo 27-da.