DAAWO;-Abwaan Sacad Gadhle Oo Xukuumadihii Kala Danbeeyay Ee Xisbiga Kulmiye Ku Eedeeyay In Ay Hagradeen Dhamaystirka Xeerka Doorashada

DAAWO;-Abwaan Sacad Gadhle Oo Xukuumadihii Kala Danbeeyay Ee Xisbiga Kulmiye Ku Eedeeyay In Ay Hagradeen Dhamaystirka Xeerka Doorashada G. Wakiilada, fashiliyayna Qorshaha Ku Lamaan Shirka Golaha Dhexe Kulmiye,

Abwaan Sacad Xaaji Maxamuud Gadhle oo kamida hal abuurka reer somaliland gaar ahaan gobolka gabiley Ayaa Xukuumadihii Xisbiga Kulmiye Ee Xilka La Kala Wareegay Ku eedeeyay In Ay Hakradeen Dhamaystirka Xeerka Doorashada Golaha Wakiilada .

Sidoo Kale, Waxuu Abwaan sacad ayaa  Isbarbardhig Ku Sameeyay Sideedii Sanadood Ee Madaxwayne Cigaal Alle Ha U Naxariisti Ku Yagleelay Haykalka Dawladnimo Nabadaynti Turxaan Bixintii Beelaha Iyo Ka Soo Kabashadii Dagaalkii Sokeeye Waxaanu Abwaanku Ku Tilmaamay In Xukuumadaha Kulmiye Ku Guuldaraysteen In Ay Ka Gudbaan Caqabadaha Horyaala Doorashada Golaha Wakiilad

Dhanka kale abwaan sacad ayaa fashiliyay qorshayaasha ku lamaan shirka golaha dhexe ee xisbiga kulmiye ee dhawaan lagu qaban doono magaalada boorama oo uu tilmaamay in  laga soo hor mariyay shirwaynihii xisbiga oo mudadii loo mudeeyay ay ka horaysay shirkan golaha dhexe ee lasoo qadimay,

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;