Daawo-Madaxweyne Biixi Oo Soo Kormeeray Mashruuca Ugu Balaadhan Gobolka Awdal Dhismaha Biriijka Isku Xidha Jaamacada Camuud iyo Magaalada.

Borama(GNN):-Madaxweynaha Jsl Oo Safar Ku Maraya gobolada Galbeedka Somaliland ayaa Kormeero Ku sameeyey mashaariicaha kala duwan ee ka socoda gobolada gabiley iyo awdal oo uu maanta gaadhay.

Waxaana Kormeerkan uu madaxweynaha Jsl maanta kusoo maray Mashruuca ugu Balaadhan ee kasocoda gobolka awdal ee dhismaha biriijka isku xidhaya jaamacada camuud iyo magaalada borama ku wehelinayey Maareeyaha Hay’ada wadooyinka somaliland Mr Cismaan Sh Cabdi Sh Maxamed  oo ah masuulka isagu fulinayey hawshan ka haayad wadooyin ahaan, Waxaana sidoo kale kormeerka iyaguna qayb ka ahaa xubno kamida golaha wasiirada iyo maamulka gobolka Awdal.

Waxaana Madaxweynaha jsl Mudane Muuse Biixi Cabdi Uu Soo indho indheeyey hawshan baaxada leh oo Ka socoto Dhismaha Biriijkan oo dhib weyn ku hayey isku socodka Jamaacada iyo Magaalada Borama.

Dhismaha Biriijkan ayaa Waxaa hore u dhagax dhigay madaxweyne biixi mudadii uu xilka hayey halka uu wakhti xaadirkana ku dhow yahay dhismihiisu gabogabo.