DAAWO Dawlada Kenya Oo u Yeedhay Safiirkeedii Somalia, Halka Ay Amartay Safiirkii Somalia Inuu Kagaga Baxo 24 Saacadood Gudohood+Xiisada Siyaasadeed.

Hargeisa(GNN):-Dowladda Kenya ayaa xidhiidhka u jartay una yeedhay safiirkeedii Soomaaliya, ayada oo xiisad diblomaasiyeed ay ka dhex dillaacday labada dal.

Xukuumadda Kenya ayaa u yeedhay safiirkeeda Soomaaliya Lt. Gen. Lucas Tumbo , isla markaana amartay in dalkeeda uu isaga baxo safiirka Soomaaliya, arintan ayaa ka dambeysay Kenya oo ku doodaysa in Soomaaliya “ay ku xaraashtay” magaalada London ee wadanka Ingiriiska ceelal shidaal oo ku yaal dhulka xuduudda ee lagu muransan yahay.

Warbaahinta Kenya qaarkeed oo arrintan wax ka qoray ayaa ka soo xigtay wasiirka arrimaha dibadda Macharia Kamau in waa sida hadalka ay u dhigay’e Soomaaliya si taxadar la’aan ah isaga indho tirtay xeerarka caalamku aqoonsan yahay ee muranka xuduudaha, iyo sidoo kale khilaafaadka siyaasadeed iyo diblumaasiyadeed.

Warkan oo goor dhow uu baahiyey wargeyska Daily Nation ma uusan shaacin dhulka Kenya ay sheeganeyso ee dowladda Soomaaliya ay shidaalkiisa xaraashka gelisay.

Ma jiro war la xidhiidha arrintan oo kasoo baxay dhanka somalia, 

La Soco Wixii Warar Ah ee Kasoo Kordha Arrintan.

Gabiley News Network

Hargeisa Somaliland.