Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo ka Hadlay Dilkii Iyo Kufsigii Magaalada Gaalkacyo Ka Dhacay

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdilaahi Deni  ayaa ka hadlay dilkii  iyo kufsiga loo geystay Caasho Ilyaas Aadan oo ahayd 12 sano jir ku nool magaalada Gaalkacyo.

Madaxweyne Siciid Cabdilaahi Dani  Waxa uu sheegay   in falkaas aad uga xunyahay, isaga oo sheegay in hay’adaha ammaanka ka rajeynayo in ay gacanta kusoo dhigaan dadkii falkaasi sameeyey sharcigana lahor keeno .

“Waxaa soo badanaya dhaqamo iyo caado aad u xun, oo aad moodid in ay dib inoogu celinayaan wixii aan kasoo gudubnay, dadkii aan rabnay inaan karaameyno oo aan hormar la rabay in la gaaro, dadkii aan ku tuhmyenay iney aqoontooda iyo ilbaxnimadooda korortay…waxaa socda dhaqamo aad u xun oo naxdin leh…waxaan rajeeneynaa in dowladda tallaabo adag ka qaadi doonto cid walbo oo ku xadgudubta karaamada bini’aadamka”.

Caasho Ilyaas Aadan  ayaa saacado ka maqneyd hoygooda magaalada Gaalkacyo , waxaana kadib meydkeeda lasoo dhigay bannaanka gurigooda xilli habeen ah waliba iyada oo lasoo kufsaday si xunna loo jir dilay.

Halkan Ka Daawo.